Madaxeynaha Neyjeeriya oo Gacanta ku Heynaya Wasaarada Shidaalka

0
297

Madaxweynaha Neyjeeriya  Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu qoondeystay inuu isagu shaqsiyan gacanta ku hayo wasaarada shidaalka maadaama uu ku howlanyay olole ka dhan ah musuqmaasuqa.
Waxa uu ku guuleystay bishii Maaris doorashooyinkii oo ay qeyb ka aheyd guushiisa mowqifka adage e uu ka taaganyay musuqa.
Mr Buhari waxa uu wacad ku marey inuu cagta cagta u saari doono lacagaha laga lunsadey saliida.
Dhoofinta shidaalka ayaa ah  90%  lacagta adage e soo gasha Neyjeeriya iyada oo hoos u dhaca qiimaha saliidu ku keenay dalka gunti giijis dhaqaale oo adag.
Sannadihii  1970 meeyadii iyo   1990 meeyadii ayaa  Mr Buhari waxa uu ka  soo qabtey xilal muhiim ah  waaxda shidaalka sidaa awgeed waxa la leeyahay waxa uu u leeyahay waxoogaa khibrad ah.
Madaxweyne Buhaari oo 72 jir ahi waxa uu noqdey mucaaridkii ugu horeeyay Neyjeeriya eek u guuleysta jagada madaxweyne
Waxa uu hore u soo xukumey Neyjeeriya isaga oo milateri ahaa 1984 ilaa 1985 xilligaasi oo la inqilaabey.
 
 

Leave a Reply