“Cabashooyinkii Derajooyinka Intii ALLE Uga Qadaray Waa La Siiyay” Taliyaha Asluubta

0
398

Hargeysa (Dawan) Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland  sarreeye guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun) oo muddooyinkii u dambeeyay safar  shaqo ku joogay gobollada barriga Somaliland, sida Sanaag iyo Sool  ayaa gaadhay magaalada  Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, isaga  oo taliyuhu kormeer ku soo maray xabsiga weyn ee magaalada Burco.
Taliyaha Ciidanka asluubta Somaliland  sarreeye guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun) , waxa uu warbixin ka dhagaystay taliyaha  ciidanka asluubta ee magaalad Burco  Jaamac Baadi Cawad waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhawaynaynaa taliyaha guud ee cidaanka asluubta Jamhuuriyada Somaliland  sareeye guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun), waxaana kollay meesha yaalaa innagaa marti laynoo yahay ciidan asluub ahaan iyo xabsi ahaanba, taliyaha ciidanka iyo hogaanka la socdaaba ay marti u yihiin ciidanka asluubta, waxaananu leenahay soo dhawaada ”
Taliyaha guud ee ciidanka asluubta  Somaliland  sareeye guuto Maxamad Cismaan Ibraahim (Xudhuun ) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay safarkii shaqo ee uu ku soo maray gobollada barriga Somaliland, waxaanu hadalkiisu ku bilaabay “Waxaan kormeer ku maraayay gobollada barriga Somaliland oo ay Burco ugu sokayso Sanaag iyo Sool, si aanu u dardargalino ciidamadii asluubta oo aanu u eegno sida ay tahay waxbarashadooda iyo habdhaqankooda iyo nidaamkooda, sidoo kale sida ay sharciyada u oofiyaan ayaan uu socdaalkayagu la xidhiidhay”
Maxamad Cismaan Ibraahin (Xudhuun)  isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxa jiray cabashooyin dhanka darajada ahaa, cabashooyinkana intii qoratay ayaa wixii ILLAAHAY uga calfay way u soo baxday oo waa ay qaateen,  inkasta oo ay jirtay qaar lagaba waayay kuwii qortay cabashada oo iyagu saraakiil ahaa.”
By : Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply