Ruushka oo Dhinaca Cirka ka Weeraray Suuriya

0
314

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay u eg tahay inay bilaabeen weerar Suuriya.
Waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in weerarka uu ka dhacay magaalada Homs.
Maraykanka ayaa sheegay in loo sii sheegay in weerarka uu dhacayo.
Arrintan ayaa timid saacado kadib, markii baarlamaanka Ruushka uu ansixiyay codsiga madaxweyne Putin in ciidamada Ruushka la geeyo waddan kale.
Kremlinka ayaa sheegay, in Ruushka uu isticmaali doono awood dhinaca cirka oo kaliya oo aysan isticmaalayn ciidan dhul.
Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in weerarka uu ka danbeeyay codsi milatari oo ka yimid madaxweyne Assad.
 
 

Leave a Reply