Ciidamada Afgaanistaan oo Dagaal Adag kala Kulmey Daalibaan

0
278

Ciidamada Nato, ayaa lagu soo waramayaa inay gaadheen magaalada Kunduz ee Afghanistan, iyadoo ciidamada dowladda ay la halgamayaan inay dib u qabsadaan magaalada oo Taliban qabsatay Isniintii.
Afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Nato ay magaalada joogaan si ay ula taliyaan ciidamada afghanistan.
Maraykanka ayaa sidoo kale qaaday weerar cirka si ay u joojiyaan in ay  Taliban horay u socdaan.
Qorshe weerar ay ciidamada dowladda qaadayeen ayaa u eg inuu joogsaday, iyadoo ciidamada Taliban ay u soo socdaan gegida dayuuradaha.
Ciidamada sirdoonka ayaa sheegay in hogaamiyihii Taliban ee Kunduz lagu dilay garoonka diyaaradaha agtiisa. Afhayeenka Taliban ayaa beeniyay dilka.
 

Leave a Reply