Bururndi:Midowga Yurub oo Xayiraad ku soo Rogey Saraakiil

0
290

Midowga Yurub ayaa ku soo rogey xayiraad socdaalka ah iyo in la fadhiisiyo hantidooda  saddex sarkaal oo reer Burundi ah iyaga oo lagu eedeynayo in ay amreen awoodo dheeraad ah oo loo adeegsadey mudaharaadyaal si nabdoon u bannaanbaxayay.
Saraakiishaasi ayaa 1aabilsanaa sirdoonka iyo amniga, waxaaney si aad ah isugu dhaw yihiin madaxweyne Pierre Nkurunziza.
Midowga yurub waxa kale oo  ay ku soo rogeen cunaqabateyno janaraalkii hore ee ka qeybqaatey inqilaabkii dhicisoobay bishii May.
Wasiirka arrimaha dibada Burundi  ayaa difaacey isticmaalka xoogga isaga oo ku andacoodey inay mudaraadadu rabshado wateen.
Madaxweyne  Nkurunziza go’aankiisa uu ku raadinayayxilli saddexaad ayaa kiciyay in ay dadku u soo baxaan jidadka iyo isku day inqilaab.
Mucaaridka madaxweynaha ayaa sheegay inuu go’aankaasi  xilliga saddexad eexafiisku yahay kheyru dastuuri.
 

Leave a Reply