Guddi Hoosaad Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladda Oo Kormeer Ku Maraya Laascaanood

0
280

Hargeysa (Dawan):  Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha Wakiiladda  oo  socdaal shaqo ku jooga  magaalada Laascaanood ayaa kulan  la qaatay   laamaha kala duwan ee hay’addaha dawladda  ee gobolka Sool.Waxaanay  amaan u soo jeediyeen isu-duweyaasha wasaaradaha ka hawl gala gobolkaas. Sidoo kale guddidu waxay bogaadiyeen  maayarka magaaladda Laascaanood iyo golaha  degaanka magaaladaasi  oo ay sheegeen in ay   horumar badan  ka hirgaliyeen magaaladda.
Guddida  oo kulamo gaani-gooni  ah la qaadatay madaxda gobolka  ayaa  kadib waxa warbahinta si wada jir u la hadlay guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Maxamed Cali Xirsi   iyo badhasaabka gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shidde.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo sharaxaad ka bixinaayay ujeedada safarkoodda  waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay guddidan maalmihii u dambeeyayba waxaanu safari ku maraynay qaar ka mida gobolada dalka. Socdaaladan waxaanu uga dan leenahay sidii aanu u hubin lahayn xilgudashada maxada gobolada. Waxaanu aad u bogaadinaynaa dhammaan isu duweyaasha laamaha dawlada ee gobolka Sool oo warbixinahoodii noogu soo gudbiyay hab qoral ah.”  Waxaanu intaasi ku daray  “Golaha degaanka ee magaalada Laascaanood waa gole isku duuban oo ku talaabsaday waxqabad aad u weyn. Waxaanu aad u amaanaynaa maayarka Laascaanood oo intii aanu joognay gobolka aanu fahanay inuu hawlo fiican oo horumarineed ka qabtay magaalada Laascaanood” ayuu yidhi guddoomiyaha Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka.
Badhasaabka gobolka Sool  Yaasiin Maxamed Shidde, ayaa isna  ka hadlay  kulankii ay yeesheen.    waxaanu yidhi “Mudaneyaal gobolka Sool waa kaa aad arkaysaan oo waa gobol ay ka jirto nabadgalyo aad u fiicani. Si fiican baanu idiinku soo dhawaynaynaa gobolka Sool, waxaanu aad ugu farax sanahay in ay wax ka ogaadaan xaalada uu maanta  ku sugan yahay gobolka Sool.”  Xubnaha ka tirsan guddi  hoosaadka daryeelka iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada ee safarka shaqo ku jooga  Laascaanood, waxaa  gudoomiyaha ku wehelinaya xildhibaanadda  kala ah  Naasir Cali Shire,  Maxamed Faarax Qabile, Ibraahin Axmed Haybe,  iyo Xuseen Ismaaciil.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply