Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaal Imaaraadka Ku Yaalla Ku Booqday Abwaan Cali Sugulle

0
272

Dubai (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku sugan Waddanka Imaraadka Carabta, ayaa Cisbitaalka Magaalada Cujmaan, ku booqday Abwaanka weyn ee Cali Sugule Duncarbeed oo muddo xanuun u jiifay cisbitaalkaasi.
 
Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta, Baashe Cawil Xaji Cumar iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali  ayaa Abwaanka ALLE  uga baryay inuu caafimaad sareecana siiyo.
Madaxwenaha Somaliland iyo weftigiisa oo degan magaalada Dubai ayaa markii uu gaadhay cisbitaalka lagu dabiibayo abwaan Cali Sugule Cigaal, waxa uu u qadar la joogay  abwaanka  oo yaalay sariirtiisa, waxaanu ugu duceeyay si shucuur leh.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu si dareen leh uga hadlay xasuustiisa mudadii dheerayd  ee  ay abwaan Cali Suge saaxiib ahaayeen, halka uu geesta kalena tilmaamay  hibada iyo taariikhda taariikhda qotada dheer  ee lagu tilmaansado abwaan Cali Sugulle Cigaal oo ku magac-dheer (Duncarbeed).
Madaxweyne Siilaanyo  isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Abwaan Cali Sugule Duncarbeed, ayaan Cisbitaalka ugu imi oo aan ku soo booqday oo xanuunsanaya ILLAHAY waxaan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo, Cali Sugulle waa nin weyn oo tariikhda baal-dahab ah ku leh oo hibbo u leh  ayuu ahaa, saaxiibkay gaar ah ayuu ahaa, nin aanu isla soo kornay ayuu ahaa, ILLAAHAYNA waxaan uga baryayaa caafimaad Sareecan ah siiyo.”
Geestooda waxaa iyaguna halkaas ka hadlay   Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta Mudane Baashe Cawil Xaaji Cumar, waxayna ALLE uga baryeen inuu caafimaad sareecana siiyo Abwaan Cali Sugule.
Dhinaca kale Khadar Cali Sugule oo ku hadlayay afka qoyska Abwaanka,  ayaa si weyn ugu mahad-naqay Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu mar kasta ka war hayay Xaalada Abwaan Cali Sugulle, sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Safiirka Somaliland ee dalka Imaraadka Baashe Cawil iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hore Abwaanka iyagoo Madaxweynaha matalaya booqasho iyo tageeraba ugu yimi.
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply