Maxaad Ka Taqaanaa 10 Hablood Ee Afrika Ugu Quruxda Badan, Soomaliduse Xagee Kaga Jirtaa?

0
324

waxa dhowaan lasoo bandhigay liis hablo ah oo lagu sheegay inay yihiin hablaha ugu quruxda badan qaaradan Afrika,kuwaas oo ka kooban wadamo kala duwan oo ay jiraan dhulka Somalidu degtaana.
hablaha ayaa isugu jira hablu u dhashay wadamada Afrikaanka rasmiga ah iyo kuwa la carabeeyey ama wadamada Carbeed ee ku yaala qaaradan Afrika.
magacyada iyo sawiradda Hablahan ayaa saxaafada loo qaybiyey ,iyada oo mid walba laga sheekeeyey halka ay ku nooshahay iyo macluumaadyo kale oo dheeri ah .
haddaba hablaha la soo xulay ayaa sidan kala ah:-
1:Jawaahir Axmed:waa gabadh Soomaaliyad ah ,waxaanay ku nooshahay wadanka Maraykanka,waana gabadha kaalinta koowaad ka gashay tartanka quruxda ee hablaha Afrika loo qabtay.
gabadhan ayaa ah Somali Maraykanka,waana gabadh dalkaasi ku nool.
2: Arwa Gouda: gabadhani waxay u dhalatay wadanka Masar,waana gabadh sannadihii 2004 iyo 2006 dii noqotay gabadha ugu wanaagsan caalamka dhinaca Model ka dharka ,waana gabadh wadankeeda Masar weli ku nool,waxna ka barata.
3:Gete Berhe:waa gabadh u dhalatay wadanka Ethiopia ,waana gabadh quruxda hore kaalinta kowaad uga soo gashay wadankeeda Ethiopia ,iyada oo lagu magcaabo gabadhii Original ka ahayd ,waxaanay tartankan hablaha ugu quruxda badan Afrika ka gashay kaalinta saddexaad.
4:Lupita Nyong’o:waa gabadh u dhalatay wadanka Kenya,waxay laakiin ku dhalatay wadanka Mexico,iyada oo waxna kusoo baratay wadanka Maraykanka,waxaanay haysataa Bachelor degree ah dhinaca sida loo sameeyo Films ka iyo Habaynta Theaters-ka oo ay ka baratay Hampshire College,sidoo kale waxay haysataa Master Degree ay ka qaadatay Yale School sannadkii 2012,waxa kale oo ay noqotay Kenyan Mexican qofkii ah ee ugu horeeyey ee ku guulaystay jaa’isada Jilayaasha Filimada sannadkii 2014 .
5:Salma Rachid:gabadhani waxay tartankan kasoo gashay kaalinta shanaad,waana gabadh u dhalatay wadanka Morocco,waana gabadh kasoo jeeda dhulka saxaraha ah ee wadanka Morocco,waxaanay ku dhalatay Ain Sebaa gobolka lagu magcaabo waxaanay yaraanteedii ahayd qof jecel farshaxannimada iyo tumista heesaha,iyada oo kaalinta kowaad ka gashay tartankii heeshay ee ka dhacay gobolka Casablanca sannadkii 2013 .
Lasoco…….
 
 

Leave a Reply