Qabriga Dahabka Ah Ee Mid Ka mida Boqorradii Faraacida Oo La Sheegay Inuu Ka Kooban Yahay Laba Qol Iyo Shirkaddaha Baadhay Oo Ku Guuldaraystay

0
354

Qabriga uu ku aasan yahay mid kamida boqoraddii Faraacida ee dalkaasi Masar ayaa la sheegay markii ugu horeysay inuu ka kooban yahay laba qol oo aanay hore u helin shirkaddaha baadhitaanada ee dalkaasi Masar ku sugani.
qabrigan uu ku aasan yahay boqor Tutankhamun ayaa la sheegay in ay ku jiraan waxyaalo badan oo taariikhi ahi,kuwaas oo ay ku jiraan waxyaalihii uu lahaan jiray iyo kuwii uu isticmaali jiray oo lala aasay markii uu dhintay.
wasiirka Ataarta ee wadanka Masar ayaa sheegay in aanay shirkadaha baadhitaanadu ku guulaysan inay macluumaad sax ah ka keenaan waxyaalaha uu ka kooban yahay qolka qabriga u ah boqorkaasi,iyada oo ay baadhitaano ku sameeyeen laba shirkaddood.
wasiir Mamdouh Damati oo la hadlaayey warbaahinta ayaa sheegay in qolka uu ku aasan yahay Boqorkaasi lee yahay calaamado ku yaala dhiancyada Waqooyiga iyo Galbeedka gidaarka oo muujinaaya in ay jiraan qolal sibidh lagu xidhay oo halkaasi ku yaalaa.
wasiirka ayaa sheegay in labadan gidaar ee Waqooyiga iyo Galbeedka ee qabrigu ay yihin kuwo aan si fiican loo baadhi lana marin Radaarka baadhitaanada Ataarta ,kuwaas oo loo baahan yahay in lagu noqdo,waxaanu intaas raaciyey in natiijada kasoo baxda la shaacin doono 4 November oo ku beegan maalinta lasoo afjari doono baadhitaanka ku socda qabriga Boqor Tut Ankh Amoun.
ninka cilmibaadhaha ah ee u dhashay wadanka Ingiriiska laguna magcaabo Dr Nicholas Reeves ayaa shegay in laga yaabo inuu jiro qol dheeraada oo qabrigaasi ku yaala,kaas oo uu lee yahay boqor Tutankhamun oo dhintay isaga oo 19 sanno jir ah ,kaas oo lagu ag aasay hooyadii Boqorad Nefertiti ,kaas oo loo sameeyey qol dheeraada markii la aasaayey.
 
 

Leave a Reply