Qaar ka mid ah isbahaysiga uu hogaaminayo Maraykanka ayaa ugu baaqay Ruushka inuu joojiyo weerarka cirka oo ay sheegeen in lagu qaaday mucaaradka iyo rayadka Suuriya.
War ay si wada jir ah u soo saareen Jimcihii, Maraykanka, UK, Turkiga iyo waddamo kale oo ku jira isbahaysiga ayaa sheegay in weerarka Ruushka uu “kordhin doono xagjirnimo”.
Ruushka oo sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah sameeyay weerar ilaa khamiistii, ayaa sheegay inay beegsadeen IS.
Saraakiil sare oo Ruush ah ayaa sheegay in weerarka uu socon karo saddex ilaa afar bilood.
Alexei Pushkov, madaxa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Ruushka, ayaa hadalkiisa ku daray in Maraykanka ay iska dhigayaan inay la dagaalamayaan IS, wuxuuna balanqaaday in ololaha Ruushka uu noqon doono mid wax tar badan leh.
Weerarka cirka ee Ruushka ee Suuriya ayaa bilowday Arbacadii.
Weerarka ayaa ah weerarkii ugu horeeyay ee Ruushka uu ku qaado meel ka baxsan xuduuda Midowgii Soviet tan iyo markuu dhamaaday dagaalkii qaboobaa.