Obama oo ku Baaqay Sharci lagu Xakameeyo Hubka

0
286

Madaxweyne Barrack Obama, ayaa ka dalbaday shacabka Mareykanka inay Congresska ku cadaadiyaan inay meel mariyaan shuruuc lagu xakameynayo hubka, kadib markii nin hubeysan uu Khamiistii ku dilay Kollej ku yaalla Oregon 10 ruux islamarkaasina dhaawacay 7 kale.
 
Barrack Obama, oo ay cadho ka muuqato, ayaa ka soo muuqday Tv-ga saacado uun ka dib markii uu dhacay weerarka kollejka, waxana uu xasuusiyay qaranka in badi bulshada Mareykanka  oo ay ku jiraan dadka sida sharciga ah ugu ganacsada hubka inay doonayaan shuruuc adag oo wax looga qabanayo hubka.
 
Obama, ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka codeynaya doorashada soo socota inay ka fakaraan qofkey dooranayaan hadduu ka soo horjeedo ama uu taageersan yahay doorashada xigta.
 
Xubnaha bulshada Roseburg ee Oregon, ayaa shumacyo shidey si ay ugu baroor diiqaan dadka lagu laayay Kollejka.
 
Weli ma cadda sababta ka dambeysa weerarkaasi, iyadoo saraakiil ka tirsan FBI-du ay sheegayaan inay baadhitaanno wadaan.
 
Qofka weerarka geystay, oo boolisku ay sheegeen inaysan magaciisa adeegsan doonin, ayaa la tilmaamay in uu ahaa 20 jir, ku dhintay gacanta ciidamada kadib markii uu iska hor imaad dhex marey isaga iyo booliska.
 
Shaqaaqo kale oo ka dhacday Khamiistii magaalada Inglis, Floridda, ayaa nin hubeysan laba ruux ku dilay halkaasi, kaas oo markii dambena isaga is dilay.
 

Leave a Reply