Falastiiniyiinta oo Xayiraad la Saaray

0
476

Israel, ayaa u diiday in Falastiiniyiintu galaan magaaladii hore ee Jerusalem, kaddib labo weerar oo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay lagu qaaday Israel.
Xayiraadaasi oo soconeysa labo maalmood, ayaa u diideysa in Falastiiniyiintu galaan dhulkaasi hadii aysan daganeyn.
Habeenkii sabtida, ayuu ruux falastiini ah tooreey ku dilay labo Yahuud ah. Saacado kaddibna, Falastiini kale, ayaa toorey ku dhaawacay qof Israeli ah. Booliska, ayaa toogtay labada ruux ee weerarka geystay.
Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa kullan deg deg ah oo ammaanka qabanaya.
Mas’uuliyiinta Falastiin, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeedheen xiisadda ay Israel dhowaan ka kicisay Jerusalem iyo daanta galbeed.
 

Leave a Reply