18 ruux oo lagu dilay Bujumbura

0
657

Ugu yaraan 18 ruux, ayaa lagu dilay magaalada Bujumbura ee caasimadda Burundi oo rabshado ka socdeen ilaa bishii April, markaasi uu madaxeyne Pierre Nkurunziza go’aansaday inuu mar seddaxaad u tartamo xafiiska.
Wariyaha bbcda ee magaalada ayaa aragtay meydad yaalay wadooyinka, waxayna goobjoogayaal sheegeen in qaar ka mid ah dadka dhintay laga toogtay madaxa, halka qaar kalana la xir xiray ka hor inta aan la toogan.
Mas’uuliyiinta dowladda, ayaa sheegay in burcad hubeysan ay rabshado bilaabeen, ayagoo weeraray booliska.
Balse deegaanka dadka lagu dilay, ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin mucaaradka, waxaana ay dowladdu ku eedeynayaan in ay ugaarsaneyso kuwa diidan maamulka madaxweyne Pierre Nkurunziza.
In kastoo ay joogsadeen dibadbaxyadii waaweynaa ee looga soo horjeeday madaxweyne Nkurunziza, ayaa haddana waxaa socda rabshadaha iyo dilalka qorsheysan.
Ciidamada ammaanka, ayaa wada ugaarsi ka dhan ah xubnaha mucaaradka, waxaana dhawaan maxkamad la soo taagi doonaa 700 oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee xiran.
Qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda dowladda Burundi, ayaa la dilay ama la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Qaramada Midoobay, ayaa dhowr maalmood ka hor qeylo dhaan ka muujisay dadka lagu xir xirayo iyo kuwa lagu dilayo dalkaasi Burundi.
Sidoo kale, dadka lagu dilay Burundi, ayaa waxaa ka mid ah taageerayaasha xukuumadda Mr Nkurunziza.
Saraakiisha ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay bishii May, ayaa sheegay in ay dagaal u galayaan sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen madaxweyne Pierre Nkurunziza.
 

Leave a Reply