Langley Collier :Geeridii Xashiishku Sababay!

0
367

Labada nin ee walaalah ahaa ee Homer Collyer iyo Langley Collyer oo Maraykanka u dhashay ayaa caan ku noqday sidii ay ururin jireen una xafidi jireen dhamaan hadhaaga xashiishka ah. Waxay ku ururiyeen gurigooda hadhaagii wargeysyada la khariyo, qalabka muusiga ee laga baxo, Furinture-ka, buugaagta iyo alaabooyin kale oo badan. Guriga dhexdiisa ayay ka buuxsameen waxaana cidhiidhi albaabada hortooda.
Sanadkii 1947 ayay booliiska soo gaadhay war aan la xaqiijin oo sheegaya in mayd dhex yaallo guriga Collier iyo walaalkii, muddo yar ka dib booliiska ayaa tegay guriga, waxase meel kasta yaallay xashiish badan kaasi oo muddo ku qaatay inay gudaha guriga galaan.
Booliiska ayaa gudaha guriga ka helay maydkii Homer, laakiin may helin wax raad ah oo u tilmaamaya walaalkii Langley. Laakiin laba wiig ka dib oo guriga laga nadiifiyay 100 Ton oo xashiish ayaa la helay maydkii maydkii Langley oo baaliyoobay isla markaana qayb ka mid ah uu jiirku cunay. Waxaana goobta maydka laga helay u jirtay 10 tallaabo halkii laga helay maydkii walaalkii. Waxaana  Booliisku warbixinta ku cadeeyeen in markii Langley uu doonayay inuu cunto siiyo walaalkii oo ahaa xanuunka faaligu naafo ka dhigay uu ku soo dumay  raso xashiish ahi oo 140 ton ah taasi oo uu u dhintay Cabudh (Asphyxiation) , walaalkiisa naafada ah ayay sheegeen inuu u dhintay gaajo darteed isaguna maalmo ka dib.

Leave a Reply