Nicolas Bergruen :Hantiile Derbi Jiif Noqday

0
427

Nicolas Bergruen wuxu ahaa nin haysta dhalashada Maraykanka iyo tan Jarmalka, wuxu ku dhashay caasimadda Faransiiska Paris sanadkii 1961. Waan ninka maal geliyay Berggruen Institute isla markaana wuxu lahaa shirkada boosaha ka shaqaysa. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay 2 Billion oo doller.  Nasiib Daro hantidiisa wuxu ka door biday inuu ku noolaado oo noqdo derbi jiif. Sida lagu daabacay wargeyska For peace maal qabeenkan ayaa sheegay inuu niyad u waayay aduunyada iyo lahaanshaheeda ka dibna wuxu iibiyay guryo dabaqyo ah oo uu lahaa, gaadiidkiisa iyo dhamaan wixii uu hanti adag lahaa.   Halkudhegyadii uu lahaana wuxu ugu deeqay Matxaf ku yaalla Berlin. Wuxu ku dardaarmay in lagu caawiyo hay’adaha samafalka. Ninkan aya sheegay inay qiimo u yeelan weyday aduunyadu markii uu wax kasta helay, una baahan yahay nolol uu qalbigu ku raaxaysto. Wax kasta markaad hesho maaha inay nolol wanaagsani ku soo kordhayso waxa kuu kordhaya  dhib iyo culays nolosha ah sidaas darteedna noloshan waxaan u bedeshay tan derbi jiifka oo ka dhib yar iina korhdhinaysa faraxad iyo degenaan ayuu yidhi Mr.Nicolas.

Leave a Reply