“Taageerada Denmark Ee Somaliland Waxay Leedahay Saameyn Muuqata” Michael Thyge

0
304

Hargeysa (Dawan):- “Muwaadiniinta Denmark  sida ay  xog ogaal ugu yihiin  xaaladda Somaliland ayaa ah mid si aad   u soo kordheysa, waxaanay dadka reer Denmark ogaadeen in ay Somaliland tahay meel ka duwan Soomaaliyada kale,” Sidaasi waxa sheegay Michael Thyge Poulsen oo ah sarkaalka Ha’yadda caalamiga ah ee DANIDA u qaabilsan isku-dubaridka barnaamijyada xafiiskeeda Somaliland.
Sarkaalku waxa uu faahfaahin ka bixiyay   taageerada dhinacyada badan leh ee  dawladda iyo ha’yadaha aan dawliga ahayn ee Denmark ay u fidiyaan Somaliland.
Isaga oo ka hadlaya ogaanshiyaha soo kordhaaya ee dadka reer Denmark ka qabaan Somaliland, waxa uu soo qaatey  inuu ku rejo weyn yahay in ka badan  700,000 oo doolar in ay kaga qeyb qaataan  ardeyda dugsiyada sare ee dalkiisu taageerada Somaliland.
 
Ha’yada DANIDA  oo ah gacanta wasaarada arrimaha dibada  ee Denmark, waxa uu tibaaxey  in ay tahay ha’yada kaliya ee horumarineed ee ajnebi ah ee ku leh shaqaale caalami ah oo waqti dhammaystiran ka howlgala kaalmada dibadda. Xafiiskani waxa uu dusha kala socdaa, iskudubaridka, kormeerka  fulinta howlaha  ka socda Somaliland iyo Soomaaliya.
 
Mr Poulsen oo ay xafiiskiisa Hargeysa wareysigan kula yeelatay Somalilandsun , waxa uu sheegay in ay howlaha horumarineed ee Denmark ku saleysan yihiin in ay ka qayb qaadato howlaha  dal deggan oo  awoodi kara inuu hanto amnigiisa, islamarkaana dhisto ha’yadahiisa   wadi kara joogteynta  horumarka dhaqaale, bulsho iyo deegaan iyo abuurista xaalado nololeed oo horumarsan.
 
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay inuu ka helay Somaliland jawi iyo bey’ad d wada shaqeyneed oo aad u wanaagsan,islamrkaana uu jiro xidhiidh iskaashi  oo diiran oo u dhexeeya dawladd iyo ururada bulshadaba. Haseyeeshee waxa uu xusey in ay jiraan in ay waqtiyada qaar la kulmaan arrimo khuseeya aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland, balse waxa uu tilmaamey in ay haatan aragtiyuhu  isbeddelayaan, waxaanu sheegay in aanay raad ku yeelan shaqadooda iyo iskaashigaba.
Mr Micheal isaga oo ka hadlaya saameynta ay mashaariicdii hore ay u fuliyeen  iyo kuwa  socdaa yeesheen waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in ay teegardani  sameynayso isbeddel.Waxa kale oo uu ku dheeraaday faahfaahinta mashaariicda ay fuliyeen iyo waxtarkooda. Isaga oo tusaale u soo qaatey jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa  oo uu sheegay in ay hagaajintiisa gacan ka geysteen iyaga oo tageeraya sanduuqa SDF Somaliland oo ay Denmark ka qeyb qaadato. Sida oo kale waxa uu soo qaatay taageerada ay u fidiyeen mashaariic helista biyo nadiif ah oo gobollada ay ka fuliyeen. Waxa kale oo uu soo qaatay taageerada ay u fidiyaan dugsiga xanaanada xoolaha ee Sheekh, rugta ganacsiga,komishanka  kontroola tayada iyo wasaarada xanaanada xoolaha.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply