Guddoomiyaha Guurtida Oo Soo Dhaweeyay Hirdanka Murrashaxiinta KULMIYE

0
331

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in tartanka xisbiga KULMIYE,  yahay tallaabadda saxda ah ee  lagula soo bixi karo qof sax ah.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu sidaasi ku sheegay shalay mar uu la hadlayay weriyeyaal ka tirsan Bulsho TV, waxaana la weydiiyay sida uu u arko siyaasiyiinta tartanka ugu jira murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi  “Loolanku waa xaq,  loomana diidana sidaas ayuun baa ninka saxa ah lagu helaa, mana diidani anigu in ay loolamaan iyagu (KULMIYE),aakhirkana nin uun baa ka soo dhex bixi, kaas na waanu ugu ducayn.”
Guddoomiye Saleebaan waxa uu baaq nabadeed u diray beello ku dagaalamay degaanka Qoriley ee gobolka Sool “Colaada ka taagan bariga waxaan odhan lahaa ILLAAHAY ha qaboojiyo, oo nabad ha laga wada shaqeeyo, dhammaantood sidii la iskugu soo dhawayn lahaa beelaha wada dega ee xurguftu dhex martay ayaa muhiim ah,”ayuu yidhi Guddoomiyaha aqalka odayaashu.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal dullucdeedu ahayd in isaga iyo odayaasha filkiisa ahi ay kuraasida ugu banayn waayeen dhalinyarrada, waxaanu yidhi  “Dhalinyarradu marka ay diyaar noqdaan kursiga la iskagama  kacee way ka riixan doonaan, markaas marka ay naga riixdaan wuu banaanaan doonaa oo waa la sugi doonaa marka ay naga riixdaan,”
Mudane Saleebaan oo wax laga waydiiyay arrinta dalka buuqa badan ka dhalisay ee ah wareejinta haamaha shidaalka Berbera waxa uu yidhi  “Waxba arintaas ka odhan maayo adeer, waxa ay u tallaa xukuumadda iyada ayaana ku shuqul leh,Iyada waydiiya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply