Khubarada Technology-ga wadanka Japan ayaa wada farsamooyin ay kusamaynayaan dhakhaatiir Robots ah, kuwaas oo la doonaayo inay mustaqbalka ka qayb qaataan qaliinada lagu samaynaayo dadka.
qalabkan Robot-ka oo loo sameeyey sida dadka ayaa la filayaa inay sameeyaan mustaqbalka qaliinada kala duwan ee lagu samaynaayo dadka, kuwaas oo laga fullin doono dhakhaatiirta wadankaasi Japan.
shirkadda Eidos-Medicine iyo shirkad kale oo laga lee yahay wadanka Ruushka ayaa isku raacay inay sida ugu dhakhsaha badan usoo saaraan qalabka ay adeegsan doonaan dhakhaatiirtaasi qaliinka ee aan bani’aadmiga ahayn, waxaana sidoo kale arrintaasi ka qayb gelaysa jaamacadda Japanese Medical University, waxaana ku baxaaya kharash dhan $1.5 million oo lacagta Maraykanka ah.
qalabka Robot-ka ee lasoo saaraayo ayaa aad uga duwan kuwa hadda la isticmaalo, iyaga oo ku shaqayn doona Programs ka duwan kuwa hadda oo ah nooc dhakhtarnimo.
shirkaddan Ruushka ah iyo tan Japan ayaa sidoo kale sheegay inay mustaqbalka gaadhsiin doonaan qalabkan wadamada Maraykanka, Turkey, Japan iyo sidoo kalena wadamada kale ee midawga Yurub oo ay ku jiraan wadamada loo yaqaano Commonwealth-ka.