Culimada Cilmi Nafsiga Oo Caddeeyey Wakhtiga Nolosha Bani'aadmiga Ugu Farxada Badan

0
389

Khubarada cilmi nafsiga aadka ugu talaxa tagtay ayaa cadeeyey in waqtiga dadka bani’aadmiga ah ugu farxada badan noloshiisa da’ahaan ay tahay waqtiga uu ku jiro sannadaha 20 ilaa 80-ka sanno.
khubaro cilmiga nafsiga ah ku takhasustay oo ka tirsan jaamacadda University of New South Wales oo ku taala wadanka Australia ayaa ku sheegay daraasad ay in muddo ah wadeen in qofku uu qanac la’aan dareemo marka uu da’ahaan gaadho 40-ka sanno .
khubaradan ayaa sheegay in qofku marka uu gaadho inta u dhaxaysa sannadaha 15 sanno ilaa 22 sanno da’ahaan uu isku dayo inuu masuuliyad qaado,isaga oo sidoo kalena aad u xiiseeya nolosha ,isaga oo waqtiga uu guursado iyo waqtiga uu ilmaha ugu horeeya dhaloba uu dareemo nolol cidhiidhi ah ,taas oo dhibaatooyin ku keenta keeni kara dhimasho.
dumarka ayay khubaradani sheegeen in ay nolosha ka qancaan markay gaadhaan da’ahaan 65 sanno jir,iyada oo karahda markaas iyo wixii ka dambeeya shaqooyinka,gaar ahaana kuwa guriga ,halka marka ay intaas ka yartahay da’ahaana ay xiisayso haweentu inay waxyaalo cusub soo kordhiso ,sida inay lacag yeelato iyo sidoo kale inay farxad iyo deganaan hesho.
nolosha wixii ka dambeeya 15 sanno jir ilaa 22 sanno jir ayay khubaradani sheegeen inay tahay mudada la doonaayo inay dadku ku kasbadaan shaqooyin iyo guryo ay dhisaan,halka wixii intaas ka dambeeya uu ku bato buuqu,taas oo ku keeni karta dhimasho nafeed.
khubaradan ayaa daraasadooda kusoo gebo gebeeyey in nolosha bani’aadmiga ay ugu farxad badan tahay intay ku jiraan 22-ka sanno iyo 80-ka sanno,inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo ku gudban waqtiyadaasi.
 
 
 

Leave a Reply