“Musharaxeennu Waa Madaxweyne Siilaanyo, Musharaxnimadda Yaan Loo Fahmin Mid Qabiil Ku Faa’iidayo…”

0
450

Dublin (Dawan):- Wasiirka  warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed  Daahir (Cukuse), ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay musharaxa rasmiga ah ee xisbiga KULMIYE u metali doona doorashadda madaxtinimadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Bisha March 2017, isla markaana xubnaha golaha dhexe ee xisbigu ay xaq u leeyihiin in ay caddaystaan hankoodda marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.
Wasiirku waxa uu  sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu shaqsiyan ogol yahay sida uu dastuurka dalka iyo xeerarka xisbiguba qeexayaan in  xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ku jirra in muwaadin waliba uu   uu isku sharaxi karro halka uu hankiisu gaadhsiisan yahay. Balse aan loo fahmin shaqo qof doonanayo, ama  xil qabiil ku faa’iidayo, qabiilna ku khasaarayo.
C/laahi Cukuse, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xafladii ay jaaliyadda reer Somaliland ku dhaqan dalka Ireland ay weftiga madaxweynaha ku qaabileen, isagoo wasiirku ka mid ah wasiirrada weftiga madaxweynaha ku wehelinayay safarkaasi.
Wasiir Cukuse, oo  faahfaahin ka bixinayay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo saamaynta uu bulshadda iyo dalkaba ku yeelan karro. Waxa uu yidhi   “Xisbiga Kulmiye ee taladda wadanka  haya,  waxa uu dhawaan qabsanayaa shirkiisa golaha dhexe. Waxaan  doonayaa in aan if-tiimin yar ka bixiyo, taasi oo ah saamaynta uu xisbiga iyo dalkaba  ku yeelanayo shirkaasi iyo waxa looga  baahan yahay  in la fahmo shaqadda lagu qaban doono shirkaasi.”
“Madaxweyne ayaynu leenahay, inta aynu og-nahayna musharaxeenu waa isaga. Marka la gaadho shirkaasi, maadaama oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo yahay hogaamiye Tiir-adag u ahaa dimoqraadiyadda dalka ka dhaqan gelaysa, waxaad marar badan dareentaan in dimoqraadiyadaas iyo tartankaasi, iyo dhaqankeenna oo aan u baran xanaf yar isku reebaan. Ama ay yimaadaan is-xag-xagashooyin keeni karra, erayo, dhawaaqyo iyo dhaq-dhaqaaqyo aan marar ina farxad gelinin”ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta. Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu ka digno, madaxweynuhu wuu ogol yahay,  in shirka golaha dhexe ee la imanayo sidii caadiga ahayd in tartanka muwaadiniinta xisbigaasi ka mid ahi ay ku tartami karaan iyagoo xor ah, xaqa dastuuriga ah ee ay leeyihiin, sida   uu xeerka xisbigu siinayo, in muwaadin waliba uu is-sharixi karro, oo uu isku sharaxi karro halka uu hankiisu gaadhsiisan yahay. Balse aan loo fahmin shaqo qof doonanayo, xil qabiil helayo ama qabiil ku faa’iidayo, qabiilna ku khasaarayo.Sidaas ma aha, waa xil aynu wada leenahay, waa xil qaranku wada leeyahay, waa xil la doonayo in ummadda oo dhami ay wada dareento in ay wada leedahay, waana masuuliyad culus. Ummadana waxaanu leenahay, qarankeenna ILLAAHAY guul ha ugu simo, xisbiyadda kalena way leeyihiin, ee sidaas si la mid ah in ay dariiqaas qaadaan, oo aanu inaga leexan dariiqaasi dimoqraadiyadeed ee aynu jilay.”
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here