Kulanka Ruushka iyo UAE ee Arrinta Suuriya

0
386

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la kulmaya   amiirka dhaxalka leh ee Abuudabay si uu ugala hadlo dagaalka Syria.
Russia iyo UAE oo ay Abuudabay hoggaamiso, ayaa labaduba door muhiim ah ku leh Syria.
Russia, ayaa duqeysay falaagada iyada oo taageereysa madaxweyne Assad. UAE, ayaa qeyb ka ah isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo oo bartilmaameedkoodu yahay kooxda dowladda Islaamka, waxayna u arkaan in ay muhiim tahay in Assad xukunka laga qaado.
Labada dal, ayaa dana guud wada leh oo ah in lala dagaalamo xagjirinimada soo baxday.
Kulanka, ayaa ka dhacay magaalada Sochi ee Russia oo ah halka uu shalay  ka dhacayay  tartanka baabuurta ee Grand Prix.

Leave a Reply