Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ugu Baaqay Inay Fiirro Dheer U Yeeshaan Cadowga Somaliland

0
420

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad-gelyadda dalka isla markaana ay fiiro dheer u yeeshaan cadowga Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo socdaal shaqo ku jooga dalka Ingiriiska, waxa uu sidan ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu hawadda u mariyay dadweynaha reer Somaliland oo uu ku hambalyeeyay currashada sannadka cusub ee taariikhda hijriyadda ee 1434-ka.
 
Dhambaalka Hambalyadda ah oo uu shalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan shacbiga Somaliland waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri  Arbacada taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015 uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaanba.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taas la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qarannimada dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.”
 

Leave a Reply