Reer Boorame Waa Dad Ilbaxnimo Leh oo Aanay u Gacan Haadin Karin Kuwa Gacanta Gumaysiga ku Hoos Jiraa !

0
868

By: Kaysar Cabdilaahi Maxamed
 
Waxaa Yaab leh in beryahan danbe ay Caadaysteen reer Soomaaliya iyo Xukuumadooda Maganta ah ee Qarnigan Kow iyo Labaatanaad wali Gacanta Gumaysiga ku hoos jira ee ku hoos Nool Raxmada Ciidamada Afrika iyo Gacanta Dawladaha Shisheeye ka dib markii ay ku fashilmeen Inay Heshiiyaan oo ay Dalkooda Nabad ka dhigaan oo ay Dawladnimo dhistaan si la mid Ah sida ay Ummada reer Somaliland u dhisteen Dalkooda iyo Dawladnimadooda. Hadaba Dawladaa Soomaaliya iyo Dadkeeda Xiligan Gumaysiga ku hoos jiraa waxay beryahan danbe la soo baxeen oo ay Caado ka dhigteen inay Buunbuuniyan wax Kasta oo ka dhaca Gudaha Dalka Somailand iyaga oo Iloobay inay gacan Shisheeye ku hoos jiraan oo Dalkooda ay Dawalado kale u taliyaan oo ay u Haboonayd inay Fikirkooda iyo Awoodooda isugu geeyaan sidii ay Dalkooda Nabadiisa u soo celin lahaayeen ee ay Dawladnimo u gaadhi lahaayeen ee ay Gacanta Gumasiga ay uga hoos bixi lahaayeen..
Waxaad moodaa inay reer Somaliya mid yar iyo mid weynba ama Sheekh iyo Shariifba ay Xoogga isugu geeyeen sidii ay Sumacada uga Dili lahaayeen Qaranka iyo Ummada Somaliland, iyaga oo waxa kasta oo ay u arkaan wax Somaliland Nusqaan ku ah Buunbuuniya.
Waxaynu ogayn sidii ay Afka Gacanta u geliyeen markii la yara xidhay Fanaaniinta Xidigaha Geeska, Waxa kale oo aynu ogayn sida ay Af-labadii u yeedheen Markii Markabkii Qaxootiga Yaman ka yimi la yara hakiyay, waxa kale oo aynu Imika aragnaa siday u Qaylinayaan ee ay u buunbuuninayaan buuqa yar ee ka dhashay Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Boorama ka socda iyaga oo doonaya inay Fidno iyo Colaad ka dhex abuuraan Ummada reer Somaliland ee Walaalaha ah.
Hadaba waxaanay reer Soomaaliya ka war hayn Oo ay Mooggan yihiin in Shacbiga Reer Somaliland ee Awdal ay yihiin Shacbiga Ugu Aqoonta iyo Ilbaxnimada Badan Gobolada Somaliland, kuwaas oo Tiir adag u Ah Madaxbanaanida Iyo Qaranimada Somaliland.
Waxa kale oo ay ka war la’ yihiin reer Soomaaliya in Cay Kasta iyo Cadaawad kasta oo ay kula kacaan reer Somaliland ay sii Xoojin doonto Qaranimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland oo ah Qaran Jirrado adag ku Taagan oo aanay Ruxi karin hadalada Cadawgu. Waxaana Haboon in ay reer Soomaaliya ku Mashquulaan oo ay Wakhtigooda ku bixiyaan Sidii ay u Xoroobi lahaayeen ee ay Gumaysiga uga hoos bixi lahaayeen ee ay Dawladnimo iyo Nabadgelyo u dhisan lahaayeen inta ay Hadalo macno Darro Ah oo aan faaiido ku jirin ay ku Mashquulsan yihiin.
Shacbiga reer Awdal ee Geesiyaasha ahi waa Shacbigii Aasaaska u dhigay ee soo dhisay Dawladnimada reer Somaliland, waa Shacbi Tiir Dhexaad u ah Qaranimada Somaliland waxaanay Awood maamul iyo mid Khayraadba ay la wadaagaan Ummada Somaliland, Shalay ayuun bay ahayd Markii uu Xilka Wareejiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo Somaliland Xukumayay Todoba Sanadood oo Borama asal ahaan kasoo jeeday, imika oo aan Qoraalkan Qorayana Dalka Somaliland Gudihiisa Masuulka ugu Sarreeya ahna ku Sime-Madaxweyne waa Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo Boorama u dhashay, taasi ayaana Markhaati u ah doorka Muhiimka ah ee ay reer Awdal kaga jiraan Hogaanka Somaliland.
Ugu danbayn Cadawga reer Somaliland waa inay Ogaadan in Qaranka Somaliland uu yahay Qaran ay dadkiisu dhisteen oo leh Awwood Dhaqaale, Awood Siyaasadeed, Awood Ciiddan iyo Awood Shacbi oo ay ku ilaashanayaan Qarankooda. Reer Soomaaliyana waxaa u haboon Inay ka waantoobaan Aflagaadada iyo Cadaawada ay kula kacayaan Ummada Xorta ah ee reer Somaliland iyaga oo aan iyagu Xor ahayn oo Gacan Gumaysi Maanta ku hoos jira. Somaliland ha Guulayasto
 
 
 

Leave a Reply