Saddex Qoddob Oo Axsaabta Mucaaridku Ku Fashilmeen

0
579

Qeybtii Labaad
 
Qormadii hore,  waxaan  ku   sheegnay   qaar ka mid ah shaqooyinka  kala  gadisan ee xisbiyadda qaranka. Waxa aynu faahfaahinnay,  ujeedooyinka loo samaystaytay  xisbiyadda  badan. Waxaynu  ka hadalnay, shaqadda laga rabo xisbiga wadanka xakuma.
 
Waxa kale oo aynu iyagana si fiican u iftiiminay,  xisbiyadda  mucaaradka ah  iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarka wadanka iyo dheelli tirka aragtida bulshada.Waxa aynu sidoo kale si guud u eegnay, xisbiyadda  qaranka iyo waajibaadkoodda  shaqo ee kala gedisan.
 
Haddaba xisbiyada mucaaridka  ah  ee dalkan  jamhuuriyadda Somaliland, waxay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen siyaasadda dalka. Inta badan Ahdaaftii  ugu muhiimsanaa ee laga lahaa mucaaradnimada waa ay ka leexdeen.
Waxaa   jirta in aanu mucaaridku hirgelin qaar ka mid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee looga baahnaa xisbi qaran oo mucaarid ah. Guud ahaan, mucaaridku shaqadii loogu talo galey in uu bulshada u qabto, kuwo uu leexiyo iyo kuwo uusan gudanba ayuu ka dhigay.
 
Xisbiyada Mucaaridku waxay ku fashilmeen  in ay sameystaan qorsheyaal siyaasadeed.  In  ay si cilmiyaysan ama xaqiiq  ah  ay u soo bandhigaan gaabisyadda xukuumadda, iyo in ay bulshadda soo hor-dhigaan sida ugu haboon ee loo saxi/xallin karo arrimaha ay ku eedeeyaan xukuumadda ama waxyaabaha ay dhibaato u arkaan.
 
Axsaabta  mucaaridku bulshada u may soo bandhigin qorsheyaal siyaasadeed oo ay wadanka ku maamuli karaan, si ay bulshadu u doorato xisbiga ugu aragti iyo qorshe fiican. Xisbiyada qaranka, si cilmiyeysan u gama warhayaan dhaliilaha xukuumadda.
 
Waxay aheyd in xisbi walba yeesho waax cilmi baadhiseed oo shaqadeedu tahay in ay si qoto dheer uga warhayso, waxyaabaha xukuumaddu ka gaabiso. Inta badan dhaliilaha ay xukuumadda ku sheegaan, masoo bandhigaan sida ugu haboon ee loo xallin karo.
 
Qorshe la’aanta, iyo arrimaha kale ee aan kor ku xusneyba, waxa ay muujinayaan, in mucaaradku ka leexday jihadi loogu talo galey in uu u socdo iyo waajibaadkiisii shaqo ee bulshadu u idmatey.
 
Xisbiyada mucaaradku, malaha qorshe siyaasadeed:
 
Sidii aynu hore u soo xusney, xisbi qaran, waxa looga baahanyahay in uu leeyahay aragti siyaasadeed oo qoran, isla markaana uu sameysto qorshe siyaasadeed. Xisbi qaran waa in uu caddeeyo aragtidiisa xisbi nimo, ee uu kaga duwanyahay xisbiyada kale. Xisbi kasta,waxa laga doonayaa qorshe siyaasadeed oo muujinaya, waxa uu bulshada u qabanaayo, haddii uu doorashada ku guuleysto.
 
Waxa kale oo laga doonayaa in uu caddeeyo sida ugu fudud ee uu u fulin karo waxyaabaha bulshada uu u balan qaadayo. Aragti la’aanta iyo qorshe siyaasadeed la’aantuba waa wax dhaawacaya sumcadda iyo jiritaanka xisbiga.
 
Xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxa ay ku fashilmeen in ay sameystaan qorshe siyaasadeed. Xisbiyada mucaaradku malahan, shacabkana uma soo bandhigin, qorshe siyaasadeed oo ay wadanka ku maamulayaan, haddii ay doorashada ku guuleystaan.
Waxay  ahayd in ay mar horeba bulshadooda hor keenaan, waxyaabaha ay dalka iyo dadkaba u qabanayaan iyo sida ugu fudud ee ay howlahaas u hirgalin karaan oo qorsheysan. Laakiin mucaaradku maba sameysan qorshe siyaasadeed oo ay dadka iyo dadkaba wax ugu qaban karaan, haddiiba loo doorto kuraasta wadanka ugu sarreysa, halka xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye waqtigii mucaaradka uu ahaa bulshada la hor yimi buuggii caanka ahaa ee lagu magacaabi jirey Buugga Kulmiye.
 
Qorshe la’aantu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mucaaridka Somaliland ku fashilmay.
La soco…………
Maxmuud Daahir Cismaan
Baadigoob@hotmail.com
 
 

Leave a Reply