Warbixin laga soo Saaray Baadhistii Dayaaradii MH17

0
483

Baadhista Holland ee ku saabsaneyd diyaaradii Malaysia ee July sanadkii tagay lagu riday Ukraine, ayaa lagu soo gabagabeeyay in diyaaradaasi uu ku dhacay gantaal nooca diyaaradaha oo lagu sameeyay Russia.
Madaxada guddiga badbaadada Holland, Tjibbe Joustra, ayaa sheegay in cadeymaha baarista lagu ogaaday in gantaalka BUK 6 uu  ku qarxay meel mitir u jirta halka laga wado diyaaradda.
Wuxuuna sheegay in ay aheyd in Ukraine ay hawadeeda ka xidho diyaaradaha, wuxuuna intaas ku daray in seddax diyaaradood oo kale ay ku jireen isla goobtaas, iyaga oo ku duulayay joog ay rumeysnaayeen in uu ammaan yahay markii la soo riday duulimaadkii MH17.
 

Leave a Reply