Baadigoobka xujeyda Maali ee la'yahay

0
517

Haweeney Mali u dhalatay, ayaa  sameysay bog Facebook oo gacan ka geysanaya sidii loo heli lahaa waxa ku dhacay labo boqol oo Mali u dhalatay oo weli la la’yahay, kaddib isjiidhkii ka dhacay Xajka.
Haweeneyda oo ku nool Faransiiska, ayaa weydiisatay qoo
ysaska in ay u soo diraan sawirada iyo magacyada qaraabadooda ay la’yihiin, kaddibna waxay soo gelisay Facebook.
Waxay ku sheegtay sababta ay bogga u sameysay kaddib markii aan wax laga qaban sidii lagu heli lahaa Mali-yiinta la la’yahay.
Saraakiil ku sugan Bamako, ayaa sheegaya in lixdan ruux oo Mali u dhalatay ay isbuurashada ku dhinteen, iyadoo ku dhawaadna labo boqol la la’yahay.
Dowladda Sucuudiguna waxay sheegtay in dad  gaadhaya 769 ay ku dhinteen, inkastoo tirada saxda ah la rumeysan yahay in ay intaasi ka badan tahay.
 
 
 

Leave a Reply