Khubarada Caafimaadka Oo Ka Digtay Coffee-ga Madow

0
496

Khubaro u dhalatay wadanka Austria ayaa ka digay cabitaanka badan ee Bunka madow ama Coffee-ga  madow,waxaanay sheegeen inuu ku keeno qofka hurdo la’aan aan dabiici ahayn iyo sidoo kalena xanuuno Stress ku ka mid yahay.
Khubarada samaysay daraasadan ayaa ka socday jaamacadda lagu magcaabo Innsbruck University,kuwaas oo intii ay daraasadaasi wadeen tijaabo ku sameeyey 500 oo qof,kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay 35 sanno jir,waxaanay dadkan siyaalo kala duwan u siiyeen Kafeegaasi madow,kuwaas oo markii ugu horeysay isticmaalkiisa tijaabo ka qaaday,markii ay soo dhameeyeena ka qaaday tijaabo.
Khubaradan ayaa tijaabooyin ku sameeyey dadkii ay ku samaynayeen tijaabada,iyaga oo sheegay in ay noqdeen kuwo badan oo kamid ahi dad yeeshay cadho badan,sidoo kalena dadkan ayaa noqday kuwo Stress badan ka qaaday Kafeegaasi ay cabeen.
Khubaradan ayaa daraasadooda ku sheegay in uu Kafeegani waxyaalo badan ka bedelo dabeecadaha dadka,sidoo kalena uu samayn badan ku yeesho deganaanshaha qofka iyo sidoo kalena kacsanaantiisa,waxaanay sheegeen in uu qofku kacaayo markaaba marka uu cabo oo laga yaabo inuu bilaabo dagaal iyo qaylo.
Khubaradan ayaa ugu dambayn sheegay in Kafeegaasi madow laga yabo inay ku jiraan maadooyin laga yaabo inay xidhiidh la lee yihiin daroogada,kuwaas oo sababaaya isbedelka ku dhacaaya qofka maskax ahaan .
 
 
 

Leave a Reply