Markii Abaal Marinta Loo Dhiibay Ayuu Farxad Darteed Dhintay!

0
348

Waxa dhib ku noqotay inuu rumaysto inuu ku guulaystay abaalmarin lacageed oo dhan $ 120 kun oo doller. Ninkan oo lagu magacaabo C/risaaq Al-Xayaat oo u dhashay dalka Pakistan ayaa baanka dhexe ee dalkaasi u yeedhay si uu u siiyo lacagta abaalmrinta ee uu ku guulaystay. Laakiin markii loo dhiibay lacagtaasi ayuu wiilashiisa oo la socday ku hor dhacay farxad darteed. Ninkan ayaa Isbitaalka loola cararay laakiin nasiib daro dhakhaatiirta ayaa si rasmi ah u cadeeyay inuu dhintay ka dib markii  maskaxda dhaawac gaadhay iyo weliba wadnihiisa oo shaqada joojiyay. Maskaxda Ninkan ayaa soo daysay farxadii hormoono ka badan inta caadiga ee ay soo dayso marka qofku farxad dareemo taasi oo keentay in dhaawac gaadho maskaxda isla markaana wadnuhu uu awoodi waayo inuu shaqada sii wado, ka dib hoormoonadaasi faraha badan.

Leave a Reply