Wada Sheekaysigu Iyo Codka Oo Kor Loo Qaadaa Waqtiga Wax Akhrisku Maskaxda Waxa Uu Usoo Celiyaa Xusuusta

0
640

Khubaro u dhalatay wadanka Faransiiska oo cilmibaadhis ku sameynaayey muddooyinkii ugu dambeeyey koritaanka maskaxda iyo sidoo kalena xifdiga ama xusuusta ayaa ugu dambayn soo saaray natiijo muujinaysa in hadalku uu qayb weyn ka qaato xusuus marka loo eego aamusnaanta.
Khubaradan oo cilmibaadhistaasi intii ay socotay tijaabo ku sameeyey 44 arday oo ardayda jaamacaddaha ah ayaa sheegay in dadka oo si caadi ah u sheekaysta ay faa’iidooyin badan ka helaan .
Khubaradan ayaa sidoo kale sheegay in uu hadalka kor loo hadlaa sidoo kale dhanka wax akhriska u fiican yahay,isaga oo maskaxda xusuusiya waxyaalihii uu qofkaasi ku dhawaaqaayey markii uu hadlaayey marka loo eego marka uu hoos u akhriyaayo ama uu aamuska ku akhriyaayo.
Khubaradan ayaa sidoo kale soo qaadatay dadka oo wax wada akhristaa korna u qaada codkoodu inuu xusuusta sidoo kale hagaajiyo hadhowna ay si fudud wax u xusuusan karaan.
Khubaradan ayaa sheegay in mar walba uu codka sare ka dareen badan yahay ka hoose,sidoo kalena ka aamusani yahay ka ugu xusun dhanka xusuusta,waxaanay ardayda kula taliyeen inay ilaaliyaan koox kooxda ay wax u wada akhriyaan ,sidoo kalena ay ogaadaan inay kor u wada akhriyaan waxyaalaha ay akhrisanayaan ,gaar ahaana ciliyada lagu jiro waxbarashada.
Khubaradan ayaa sheegay in maskaxdu soo dayso dheecaano kala duwan marka qofku kor u hadlo,gaar ahaana ay shaqeeyaan neerfaha loo yaqaano Sensories ka ,kuwaas oo u bedela codkaasi macluumaad ay maskaxdu qaban karo oo saamayn yeesha.
 

Leave a Reply