Xidhiidhka Kubadda Cagta Oo Ka Hadlay Cabashada Xulka Maroodi-jeex

0
439

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee Somaliland Cabdillaahi Khayre Cawaale Gacal ayaa ka jawaabay dhawaaqii ka soo yeedhay  xulkii kubada cagta ee gobolka Maroodi Jeex oo si indho la’aana u daadafeeyay go’aankii lagaga reebay ciyaaraha gobolada Somaliland .
Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee Somaliland Cabdillaahi  Gacal oo shalay qaar ka mida warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa waxa uu sheegay in aanu ka noqosho lahayn go’aankii  ciyaaraha gobolada lagaga reebay xulka gobolka Maroodi Jeex oo uu ku eedeeyay  inay baalmareen shuruucdii u taalay ciyaaraha Somaliland.
 
Cabdillaahi Gacal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “xulka gobolka Maroodi Jeex way caban karaan laakiin cabashadu ma tahay mid saxa weeye, sharci ayaanu ku maamulaynay ciyaaraha gobolada, rikoodhe  lagu qabtay gobolka Maroodi Jeex way diideen in lagu laato rikoodhihii, garsoorihii ayay  dileen.”
 
Cabdillaahi Khayre Cawaale Gacal  waxa uu intaasi raaciyay “markaa waxa ay jabiyeen qodobo ka mida shuruucdii lagu maamulayay tartanka ciyaaraha gobolada, taasaana keentay in dhibcihii laga wareejiyo gobolka Maroodi Jeex, waxaanay baalmareen shuruucdii lagu maamulayay  ciyaaraha u yaalay”ayuu yidhi Gacal.
 
Waxa  kale oo uu tilmaamay in aanu ka noqosho lahayn go’aankii lagu reebay xulka kubada cagta ee gobolka MaroodiJeex.  waxaanu yidhi “way caban karaan xulka gobolka Maroodi Jeex waana arin sharciya oo ka noqosho lahayn haba yaraatee kubaduna waa bar madaw iyo bar cad maaha aniga uun baa kaa badinaya ciyaartu”.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply