Cudurka Garba Gooyahay Astaamaha Lagu Garto iyo Dhibaatooyinka Uu U Gaysto Xoolaha

0
791

Xanuunkani wuxuu ku dhacaa Adhiga iyo Lo’da waxaanu xoolaha ku keenaa dhimsho badan.
Cudurka garba gooyaha ayaa ka mid ah xannuunada ku dhaca xoolaha dalkeena isla markaana saamayn caafimaad ku yeesha xoolaha uu ku dhaco iyo deegaanka ay ku dhaqan yihiin xoolaha kale ee kula nool.
Cudurka Garba gooye, ayaa waxaa uu ku dhacaa xoolaha Adhiga iyo Lo’da waxaanu kaga dhacaa garbaha iyo misgaha, isagoo Xannuunka garba gooye   neefka uu haleelo lagu garto garbaha iyo misgaha nabaro ka soo baxa iyo boogo  uu ku yeesho, waxaa kale oo lagu gartaa astaamo ay ka mid yihiin neefka oo socon kari waaya oo xoolaha kale kaga hadha xerada.
Hadaba  neefka uu ku dhaco xanuunka Garba gooye side loo dawaynayaa? Haddii la qasho hilibkiisa ma laga qaadayaa? Side bakhtigiisa la odhanayaa? Side ayuu xoolaha kale ugu fidinayaa xoolaha cudurka.?
Hadabada Cudurka Garba gooye oo sida aynu horeba u soo sheegnay ku dhaca xoolaha Adhiga iyo Lo’da, ayaa laga dawayn karaa xoolaha isla markaana laga tallaali karaa waxaanay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland u diyaarisay xoolo dhaqatada tallaalkii cudurkan lagu dawayn lahaa iyo dawooyinka  marka uu neefka ku dhaco lagu daweeyo labadabad.
Tallaabada ugu horraysa ee lagu dhaqaaqayo marka  neefka lagu arko calaamadaha cudurka Garba gooyaha ee kor ku xusan.
Ugu horrayn neefka cudurku ku dhacay waxaa laga dhex saarayaa xerada xoolaha kale ee uu kula jiro sababtoo ah cudurka ayaa ah mid ay xooluhu isu gudbin karaan oo ka mid ah xannuunada xooluhu isu gudbiyaan.
 
Marka neefka cudurka lagu arkay xoolaha laga dhex saaro waxaa lagu dawaynayaa dawooyinka jeermiska dila ee loo yaqaan antibiyotik-ga oo ay ka mid yihiin Ampicillin irbado ah oo ta xoolaha ah oo  lagu mudayo neefka uu buka, waxaa kale oo lagu dawaynayaa Amicillin lagu buufiyo nabarada ka soo baxay garbaha iyo misgaha ee dheecaanka leh ee neefka soo gaadhay haddii nabarada neefka  kaga yaalla garbaha iyo Misgaha ee dheecaanka lihi aanay af lahayn waxaa la gudboon xoolo dhaqatada in nabarada misgaha iyo garbaha kaga yaalla af loo sameero laguna buufiyo dawada antibiyotik-ga ah ee cudurkan dawaysa.
Tallaabada kale  ee la qaadayo, ayaa ah in xoolaha kale laga ilaaliyo inta neefkan ay dawadu  u socoto in ay isku xero ku jiraan sababtoo ah wuxuu qaadsiin karaa cudurka Garbagooye   siyaabaha  ay xooluhu isugu gudbin karaan cudurkan ayay ka mid tahay dheecaanka neefka buka ee garbaha iyo  misgaha ka imanaya oo gaadha neef kale.
Tallaabada kale  ee la qaadayo ayaa ah in laga tallaalo xoolaha kale cudurkan tallaalka xannunkan oo ku diyaar ah dhamaan xarumaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.
Haddii neefka cudurka Garbagooye  ku dhacay la arko in aanu ka kacayn oo  la gawraco  wuxuu keeni karaa dhiigiisa dhulka  galay khatarta faafista Cudurka Garbagooye oo  si dhib yar deegaanka ugu faafi kara isla arkaana duunyo badan oo kale asiibi kara.
Cunitaanka hilibka neefka uu ku dhacay xanuunku dadka uma gudbinyo cudurka Garbagooyaha ee asiibay laakiin wuxuu cudurku bedelayaa dhadhanka neefka iyo midabka cadka markaa  kuma wanaagsana cunitaanka iyo  in la qasho  waxaa kale oo loo baahan yahay in laga taxadero in la qalo oo dhiiggiisu dhulka galo  taasoo sababi karta in cudurku deegaanka oo  dhan ka jiro.
 
 
 
Ha Gawricin neefka cudurka Garbagooye ku dhacay bannaankana ha ku tuurin Bakhtigiisa ee aas si aanu xannuunku u fidin.
 
Waxaa lagaga hor tegayaa in cudurka Garbagooye deegaanku ka badbaado in marka hore Xoolaha laga tallaalo iyo in neefka uu ku dhacay xoolaha aan lagu dhex dayn oo aanu xero kula jirin ee meel gaar ah lagu xidho  iyo in laga daweeyo cudurka.
Neefka bakhtiya ee u dhinta Cudurka Garba gooye waxaa  habboon in bakhtigiisa la aaso inta god loo qodo,godka loo qodayo ayaa laga qodayaa meel ka durugsan goobaha biyo mareenka iyo dooxyada ah si aan inta cudurka Bakteeriyada ahi sii nool yahay ee aanu wali dhiman in aanay biyuhu u qaadin haddii roob ku da,o.
Hadaba waxaa la gudboon qof kasta oo xoolo dhaqato ah isla markaana xoolihiisa ku arka calaamadaha Cudurka Garbagooyaha in oo  uu raaco tallaabooyinka kor ku xusan.
 
 

Leave a Reply