Gilberto Arog oo u dhashay Baraasiil da’diisuna tahay 41 sano ayay ku nexeen qoyskiisu ka dib markii la baahiyay inuu dhintay oo shil baabuur ku dhintay. Nin ay saaxiib ahaayeen uu qolka maydka ku arkay nin ay aad isugu eegyihiin kaasi ayaa u qaatay inu yahay saaxiibkii . Sidaasi ayuu ku ogaysiiyay qoyskiisa oo iyagu baroor isku daray. Hooyadii Marina Santana aya sheegtay in markii warkaasi soo gaadhay uu qoyska qaarkood miyir beeleen.
Hooyada ayaa sheegtay in markii ay aragtay wiilkeeda ay aad u faraxday, isagoo isaguna aad uga naxay dhibaatada gaadhay qoyskooda. Ninkaan ayaa dadka ka codsaday inay warka inta aanay baahin ay aad u hubiyaan, si aanu dhibaato ugu keeneen dad kale.