Wax Ka Ogow Guud Ahaan Faa’iidada Khayraadka Baddaha Iyo Doorka Somaliland

0
1358

Kalluunka waxa laga helaa biyaha baddaha, wabiyadda iyo harooyinka  kaasi oo bini’aadamku uga fa’iidaysto siyaabo kala duwan hadday tahay cunto, caafimaad, nafaqo, iyo dhaqaaleba. Waxa kale oo aynu iyanna oggnahay sida muuqata  in kalluunku  ka qiimo baddan yahay afaartaa aynu soo sheegnay  waayo waa khayraad irrmaan oo abuura shaqooyin. Bulshooyin baddan ayaa tiirkood nololeed udub dhexaad u yahay soo saarista kalluunku.
Sida guud kalluunka waxaa loo qaybiyaa laba nooc kuwaas oo kala ah kalluunka caadiga u tarma. Kan caadiga u tarmaa ayaa qaybi deegaan tahay halka qaybo kalena ay xili isbedelka yimaaddaan  iyo ka lagu beero, taasi oo keentay markii ay kala bateen bahidii dadka iyo yarraanshaha kalluunki dabiiciga.
Haddaba cunista kalluunka bulshda adduunku aad ayay ugu kala
duwan yiihin sida cunistiisa, xaga diinta ,dhaqanka iyo helitaanka ama waayitaankaba.
Alle (SWT) wax uu kitaabka quraanka inoogu cadeeyay in noollaha ku jirra badda uu xallaal inoo yahay “Eebe waa kan idiin sakhiray badda inaad ka cuntaan hilib cusub (kalluun)” (An-Naxl 16:14).
waddamada leh baddaha intooda badan way ka ka faa’idaysteen iyago oo u maamulaya  sida ugu wannaagsan, waxa kale oo ay darreensan  yihiin tiirka uu noloshooda ka yahay, halka waddamada baddaha leh ee aan ka faa’iidaysan khayraadka kala duwan ee ku jira baddahooda ay Somaliland kaalmaha hore kaga jirtaa marxalado baddan oo jira awgood inagoo qormadan kooban kaga boggan doona aynu marka hore si faahfaahsan uga jawaabno su’aalahan. Waa maxay kalluun?.   Caqabado noocee ah ayaa hortaagan ? sidee looga gudbi karaa?
Kalluun: Kalluunka ama malaay  waa magaca guud  ee loo yaaqaano Noolaha intooda baddan ku jira biyaha waxaanu ka mid yahay xayawaanka dhiiga qabow ee laf-dhabarlayda ah.
Somaliland iyo kalluunkeeda
Somaliland waxay leedahay xeeb dhararkeedu tahay 850km ceelayo ilaa lowyacado ee bada cas iyada oo ay ku jiraan kalluun kala duwaan, shidaal iyo macdan aad u tiro baddan. Intaynaan u gudbin dhibaatoyinka jira iyo sida looga gudbi karo ka hor  bal aynu wax yar ka ogaano noocyada kalluunka Somaliland  iyo faa’iidooyinka caafimaad .
Noocyadda kalluunkaee ku jira badda cas waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad ilaa 1200 oo nooc, waxa u gaar ah oo laga hellaa 10% nooc oo aan caalamka laga helin.
Magacyada cilmiyaysan (scientific name) ee loo bixiyo kalluunka waxay ka yimaadaan nidaam taxan oo laysku raac-raaciyo  koox koox, waxaana loo yaqaana abla-ablayn, iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa la sii horrumariyo. Abla-ablayntu waxay sahashaa dib u tixraaca sinjiga  noolaha  haddaba soomaalidda ku dhereran xeebaha ayaa ah kuwo noocyadda kalluunka u bixiya magac, kaasoo noqda astaan, calaamad ama midabka kalluunku leeyahay.
Waxa  aynu ka soo qaadanaynaa, qayb kamid ah magacyadda kalluunka ee xeebaha Somaliland  , Caruusa, Fanaani, Saynuud, sanaani, Aaylub, Bari-xume, Sabadin, Shirib, Ganberi, Bacoo, Shilinbis, khashaar, Libaax, kalbulbaxar, Carabiqud, Mushnuus, Kumal, Caruusa Siisaan, Xilwa, Sakhlad, Caqaam, Cawrad, Ximaari, Faras, Shoox, Subulqaad,  shirwo, saynub, sinagub, Booraad, Qardabo, Nimiraani, Abuseef.
Kallunkaasi ayaa ah kuwo kala qiimo iyo waxtar kala duwan leh tusaale  ahaa nooca loo yaqaano Fanaani oo laga helo baddeena ayaa  laga sameeyaa khadka qallimaanta wax lagu qorro.
Kalluunka loo iib gayn karro sayladda caalamka aynu iyagana wax yar ka ogaano Caydi (sardine), Shirwo, Taraaqad, Tabadin, Sucbaan, Gacoorre (catfish), Gaxaash (emperor), Labagardhle (goatfish), Qawqab(shrimp).
Aargoosatada (lobster), noocan ayaa waxay ka mid yihiin kalluunada ugu qaalisan sayladaha caalamka kaasi oo qiimaha 1-kg uu yahay Dubai 25$ halka Asia bari uu yahay 35$ Haddaba xeebaheena Somaliland waxa lagu qiyaasaa sanadkii in laga soo saari karo aargoosato dhan 300 tone taasoo haddii suuq loo abuuro  runtii sare u qaadaysa koboca dhaqaalaha dalka maadaama oo waxaynu dhoofino 1/4 ka yahay waxaynu soo-dejisano (import).
Faa’iidoyinka caafimaad:
Cunida  kalluunku waxaa laga hellaa vitamin D, oo inta baddan jidhkeenu aad ugu baahan yahay darraasad kala duwan oo la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in madada Omega-3 fatty acid laga sameeyo saliida kallunka,taas oo kalluunka cunistiisuna yarraysa 50% khatarta cancerka  xannuunada sida macaanka, dhiigkarka, wadne xannuunka, dhiig-yaraanta.Wuxuu kor u qaadaa aragtida indhaha, waxa kaloo uu ka qayb qaataa koboca maskaxeed ee biniaadamka.
Xigasho: Mustafe Xasan Axmed…La soco qaybo kale…

Leave a Reply