Beertii Ugu Quruxda Badnayd Uguna Weynayd Caalamka Oo Dubai Laga Furay

0
280

Waxa magaalada Dubai ee isugu taga imaaraadka Carabta laga furay beertii ugu weynayd caalamka uguna quruxda badnayd ee laga dhiso caalamka wadamadiisa kala duwan.
beertan ayaa ah beer aad loo qurxiyey oo ah mid si aada looga shaqeeyey,taas oo lagu beeray ubaxyo kala duwan,kuwaas oo soo jiidanaaya indhaha dadka soo booqanaaya beertaasi.
waxa kale oo dhexdeeda lagu diyaariyey meelo kala duwan oo ganacsi,kuwaas oo hareeraha beertaasi ku yaala,waxaana meelahaasi isu jiraan masaafooyin kala duwan,taas oo ku khasbaysa qofka doonaaya inuu wax soo iibsado inuu dhex maro beerta ilaa uu gaadho meesha uu u baahan yahay .
beertan ayaa loo bixiyey Dubai Miracle Garden ,taas oo ku fadhida dhul dhan ilaa 72000 oo square meters dhul ah ,waxaanu dhererkeedu gaadhayaa ilaa 4 kilometers oo kala duwan.
beertaasi ayaa lagu dhex sameeyey sidoo kale meelo Parks ah ,kuwaas oo dadka u sahlaaya waxyaalo badan,waxaana lagu beeray beertaasi ubaxyo lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 45 million oo ubaxyo dabiici ah ,sidoo kalena aad u kala duwan muqaal ahaan iyo sidoo kalena noocyo ahaanba.
beertan ayaa aad usoo jiidatay dadka yimaada magaalada Dubai ,gaar ahaana dadka dalxiiseyaasha ah iyo kuwa ganacsatada ah ,taas oo ku khasbaysa inay dalxiis ahaan u joogaan in muddo ah .
ubaxyada laga beeray beertan ayaa siyaalo kala duwan loo nashqadeeyey,iyada oo qaybo kamida la moodo biyo meel kasoo daadanaaya ,halka kuwo kalena la moodo gawaadhi iyo waxyaalo kale oo aad u qurux badan.
 

Leave a Reply