Khubarrada Sadaasha Cimilada Oo Ka Digay Qabowga Bilaha December

0
335

Khubarada dalkaasi Ruushka ayaa sheegay in bisha December uu qabowgu samayn badan ku yeelan doono caalamka ,gaar ahaana meelaha qaboobaha ah,iyaga oo sheegay inuu dhulku sii qaboobi doono ,taas oo sababi karta inay shaqooyinku istaagaan.
kooxdan khubarada ah oo uu hogaaminaayo khabiir u dhashay wadanka Ruushka oo lagu magcaabo Vladimir Mellnekov ayaa sheegay inay meelaha ugu daran noqon doonto gobolka Yamal ,taas oo qabow ahaan gaadhi doonta 18 Degree Celsius ,wixii ka dambeeya toddobaadka hore ee bishaasina ka hoos mari doonta Zero-ga.
sidoo kale gobolka Tyumen ayaa isna ay sheegeen khubaradani inuu la mid noqon doono gobolkaasi Yamal,kaas oo isagu yeelan doona dabaylo dhaxan wata.
khubaradan ayaa saadaaliyey in gobolo badan oo qaaradda Yurub kamid ah iyo sidoo kalena dalka Ruushku ay noqon doonaan kuwo aad uga qabow sidii hore,waxaanay goobahaasi gaadhsiisnaan doonaan Koonfurta Siberia.
sannadkii hore waxa wadanka Siberia qaboobay wabiyo badan oo kamida kuwa wadankaasi mara,kuwaas oo muddo 20 sanno ah aan qaboobin ama aan biyohoodu fadhiisan.

Leave a Reply