Xisbiga KULMIYE Oo Hayinimadiisa Siyaasiga Ah Ficil Ku Muujiyay Iyo Khilaafkii Murrashaxiinta Oo Hab Dimuqraadi Ah Loo Daweeyay

0
269

Hargeysa (Dawan)- Garabyada ku loolamaya musharaxnimada Xisbi xaakimka KULMIYE,  ayaa shalay ka heshiiyay  kala shakigii ka dhex jiray xisbiga ee ka dhashay in qaar ka mid ah Murrashaxiinta u tartamaysa jagada madaxweynaha ee xisbigu  ay ku doodeen in Guddoomiyaha KULMIYE uu si gaar ah u abaabulanayo shirka shanaad ee Golaha dhexe, taasina ay wax u dhimayso mustawihii dimuqraadiyadeed ee xisbigu ku caano-maalay.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la galo tartan xor iyo xalaal ah oo ka dhaca xisbiga gudihiisa, sidoo kalena la magacaabo Agaasinka u diyaar-garowga shirka Guddi ka kooban Saddex ka mid ah Afarta Guddoomiye Ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha Guud Iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga oo oday looga dhigay.
Dawaynta khilaafkii xisbiga KULMIYE, waxa lagaga dhawaaqay   kulan labada garab si wada jir ah ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE, ka dib markii ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
 
Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah raga u loolamayay jagada Musharaxnimada Xisbiga KULMIYE ayaa dhankiisa soo dhaweeyay tallaabada lagu suuliyay khilaafkii KULMIYE.
 
“Ummada Somaliland ee ka yara war-warsanayd khilaafka xisbiga KULMIYE,  waxaan ugu bushaaraynayaa in arrintaasi ay dhammaatay, sababtuna waa dimuqraadiyada oo Xisbiga KULMIYE ka shaqaynaysa,waayo dimuqraadiyadu waa inaad is khilaaftaan oo hadana heshiisaan oo la doodo oo la toosiyo,  ceebi ma jirto cadowga KULMIYE ayaa buun buuniyay waanan u mahad-celinayaa Guddoomiyaha oo fududeeyay, waanay dhammaaday arrintaasi,”Ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.
 
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo ka mid ah murrashaxiinta tartanka ku jira, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay heshiiska laga gaadhay hanaanka loo agaasimayo shirka Golaha dhexe, waxaanu yidhi  “Waxaanu si buuxda ugu qanacsan nahay heshiiska aanu halkani ka gaadhnay,waxaanu isku raacnay in KULMIYE  ahaado Xisbi dimuqraadi ah oo si xor ah  loogu tartamo ,anigoo ah Musharax Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka tartamaya waxaa  innoo balan ah tartan xor ah oo xalaal ah,”Ayuu yidhi Musharax Maxamed Biixi Yoonis.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi,  ahna Murashax u taagan jagada Madaxwaynenimo, ayaa sheegay inuu marka horeba kalsooni buuxda ku qabay in xisbigoodu dhayi karo khilaafyadda dhexdiisa ka aloosma, waxaanu yidhi  “Halkan waxaanu ku fadhinaa KULMIYE oo dhan ,waana arrin fiican,cadawgii KULMIYE waa ka naxayaa, Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiguna way ku farxayaan shir-waliba khilaaf waa leeyahay, KULMIYE awood buu u leeyahy inuu khilaaf kasta  xaliyo,Murashaxiintii Xisbiga ayaa halkan joogta, Wasiirro iyo xildhibaanno dhaliilo ka tirsanayey Hoggaanka Xisbiga xaqna ay u leeyihiin inay soo bandhigaan waxay ka cawdaan annaguna saxno maadama aanu nahay Hoggaankii,haddii aanu jirina waxa laga cawdayna inaanu meesha ka saarno maanta waanu ka saarnay wixii jiray-ba.”
“Waxaan u mahad-celinayaa qoladan Musharixiinta ah oo naga yara cadhooday,  laakiin mar dambe aanu soo lad-qabaysanay, waxa  innoo balan ah tartan xalaal ah  oo aynu galno iyo wada-jir,”Ayuu ku dooday Guddoomiyaha xisbul-xaakimku.
By: Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply