Wasiir CUKUSE Oo Ku Dhawaaqay Qoddobo Lagu Suuliyay Khilaafkii KULMIYE

0
267

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Md: Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay natiijada kulankii lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Murrashaxiinta madaxweynenimadda xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi ku leeyahay caasimadda Hargeysa.
 
Wasiirku waxa uu ka hadlay masuuliyiinta wax ka fulinaya shirka Golaha Dhexe, waxaanu yidhi  “Sida ay masuuliyiintu sheegeen waxa aynu ku dhawaaqaynaa qoddobadii lagu heshiiyay, xam-xamtii laga sheegi jiray in Xisbiga KULMIYE qaybsan yahay inay halkaasi ku dhammaatay ,ALLE  ka sokowna waxa mahad-naqaa leh Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland. Waxa lagu heshiiyay in Xisbigii KULMIYE sidiisii yahay, shaqadii socotayna sideedii u soconayso oo haddii ay doonaan-na dib u eegis ku samayn karaan. hawsha qaban qaabadda  waxa wadaya  Masuuliyiinta Xisbiga oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Xildhibaan Waabeeye Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo marjac u noqon doona. Mana jirto wararka sheegaya in Madaxwaynuhu guddi magacaabay,waxa uu  Madxweynuhu ka shaqeeyay sidii uu isugu soo dhawayn lahaa Xisbiga.”
Geesta kalena Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa beeniyay war ay warbaahintu ka faafisay xisbigaasi, waxaanu arrintaas kaga jawaabay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray oo u qornaa sidan:-“Warka lagu baahiyey shabakadaha interneta qaarkood ee lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu guddi qabanqaabo u magacaabay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo laga been abuuray Madaxweynaha Qaranka, isla markaana lagu doonayo in lagu khalkhalgeliyo habsami u socodka hawlaha diyaargarowga shirka. Shuruucda iyo qawaaniinta u taal xisbiga KULMIYE ma bannaynayaan in guddi qabanqaabo loo sameeyo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbiga. Hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe oo uu masuul ka yahay Xoghayaha guud ee xisbigu waxay u socdaan si habsami ah, iyadoo maalintii shanaad ay socoto diiwaangelinta iyo samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe ee ka qaybgali doona shirka 10-ka November 2015, ilaa haddana la ay is diiwaan-geliyeen inta badan xildhibaannada golaha dhexe. Sidaa daraadeed, waxaannu uga digaynaa dadka baahinaya wararka been abuurka ah ama tuhumada ay saxaafadu qabto in ay ka waantoobaan.”
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply