Kulan Garnaqsi Ah Oo Dhex-maray Wasiirro Iyo Shirkaddaha Soo Waarida Qalabka Tamarta

0
297

Hargeysa (Dawan)-Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Ganacsiga, Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa Kulan la yeeshay  shirkadaha ganacsiga ee soo dejiya agabka Tamarta ee dalka laga isticmaalo.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii dhinacyadani ay uga wada xaajoon lahaayeen la dagaalanka gumaadka lagu hayo dhirta dalka iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa isticmaalka dhuxusha, isla markaana ay bulshadu dhuxusha ay wax ku karsato ugu bedeli lahayd isticmaalka Tamarta kale.
Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare oo iyadu kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay in kulankan ay shirkadaha la yeesheen uu guul weyn u ahaa wasaaradaha kulankan ka qayb galay waxaanay tidhi  “Guul bay inoo tahay saddexdayadan wasaaradoodba, guushaasi waxay noogu tahay maanta in aanu si wanaagsan isu calool xaadhanay ganacsatada dalka ee ka ganacsata Tamarta, oo annaga ay muhiim noogu ahayd sidii aanu u badbaadin lahayn deegaanka iyo dhirta, isla markaana aanu u dhimi lahayn isticmaalka dhuxusha, isla markaana ay bulshadu uga wareegi lahaayeen waxyaabaha ay wax ku karsadaan ee ay ka midka tahay dhuxusha iyo xaabada, una wareegi lahaayeen isticmaalka Tamarta ee dalka la keeno.”
“Annagu ka wasaarad ahaan cashuur dhaaf ayaanu siinaa shirkadaha waawayn ee ka gacansada qalabka Tamarta, markaa dhammaantayo waxaanu ka wada dabo-nimi maxaa is bedelay muddadii aanu cashuur dhaafka siinaynay, suuqii maxaa iska bedelay?, maxaa bulshaddii dib ugu noqday, halkii ay joogeen kor ama uga soo kaceen, imisa geed ayaa badbaaday iyo imisa qoys ayaa  u wareegay isticmaalka Tamarta,”ayay tidhi Wasiir Shugri Bandarre,waxaanay intaas ku dartay digniin “Waxaan aad iyo aad ugu digayaa dadka dhuxusha ka shida deegaanada waqooyiga dalka, waqooyigu maanta waxay taagan yihiin meeshii igu darnayd, qofkii soo maray ama arkay ayuun baana garanaya waxaanay taagan yihiin halkii ugu darnayd meel la mid ah Somaliland-na ma jirto.”
 
“Waxaan leeyahay deegaan kasta waqooyigiisa dhuxul lagama shidi karo, qofka aanu ku qabanno isaga oo dhuxul ka shidaya deegaannada waqooyiga ama xaabo ka soo guray marka aanu la wareegno ayay garan doonaan. Marka labaad waxaan dadka u sheegayaa, jidka laga bilaabo magaalada Laascaanood illaa Boorame laguma iibin karo waddooyinka dhuxul laga bilaabo bisha 11-aad, tobankaa cisho qofkii ay u taallayow ku iibi, laguma iibin karo waddooyinka dhuxul,” ayay tidhi Wasiirka Wasaarada Deegaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply