Bulsho Maydku Qaab Cajiib Ah U Aasta!

0
401

Dalka  Port reco (San Juan)oo ku yaalla xeebaha badda Basifiga ayaa hooyo halkaasi degan oo wiil ay dhashay dhintay todobaadkan usoo bandhigtay maydkiisa qaab dunida ka yaabiyay. Hooyadan ayaa maydka ku fadhiisisay kursi isla hor dhigtay waraaqaha turubka iyadoo ka dhigtay inuu ciyaarayo.
Dhamaan asxaabtiisa iyo qaraabadiisa ayay ugu yeedhay si u ula ciyaaraan turubka. Wiilka dhintay oo isagoo mayd ay gacanta u gelisay qaar ka mid ah waraaqaha turubka ayaa u muuqday sida qof fikiraya.
Hooyadan ayaa sheegtay inay doonayso inta aan la aasin in asxaabtiisa iyo qaraabadiisu ay wada arkaan isagoo u eeg qof ciyaaraya Turubka uu jeclaa. Islaantan yaabka dhigtay ayaa maydka wiilkeed usoo xidhay dhar midabkoodu buluug yahay, koofiyad buluug ah iyo weliba muraayada buluug ah, taaasi oo aan sheegin sababta ay midabkan ugu doortay.
Warbaahinta ayaa sheegtay in aanay ahayn markii u horaysa ee magaaladan mayd sidan ayna tahay caado in lagu soo bandhigo wixii uu caanka ku ahaa. Waxaana ay sheegeen in ururka feedhka ee dalkaasi usoo bandhigay maydka nin feedhyahan ahaa oo dhintay isagoo maydkiisa ay dadka ugu soo bandhigeen inuu feedh ciyaarayo.  Dalkan intiis badan wuxu maamulkiisu  hoos tagaa Maraykanka.

Leave a Reply