Haro Biyooda Ilmada Ee Switzerland!

0
371

Hara biyoodan ayaa ka mid ah waadiyada ay biyahoodu midabka yaabka leeyihiin. Waxaana jira sheekooyin kala duwan oo la xidhiidha midabka biyahan iyo wax ka dhigay midab buluug ah.
Waxaana la sheegay in haradan midabka biyaheedu cajiibka yihiin oo u jirta Jinefa 21 Km inay ahayd tuulo wakhti  hore. Sheekooyinka yaabka leh ayaa sheegaya in tuuladan ay ku noolaayeen qoys aad isu jecel oo gurigeedu ku yaallay harada dhinaceeda. Maalin ayay hooyada qoysku isku deyday inay toosiso odaygeed oo hurday, laakiin nasiib daro waxay la kulantay isago dhintay. Arinkaasi ayay u qaadan weyday oo ay burburisya wax kasta oo horteeda yaallay. Halkaasi ayay ka bilowday oohin ,ilmadeeda ayaa ku daadanaysay biyaha harada taasi ayaan mdibka biyaha bedeshay  ayay leeyihiin. Waxa kale oo yaab noqday oo sheekadan u eeg khurafaadka taageeray in harada dhexdeeda uu ku yaallo sawirka gabadha sanam laga sameeyay. Laakiin ma jiraan taariikh xaqiijinaysa sababta. Culimada ayaa iyagu aaminsan inay tahay midabka biyuhu macdanaha ku kaydsan goobta haradu ku taallo.

Leave a Reply