Khubarro U Dhalatay Wadamada Ruushka Iyo Cuba Oo Soo Saartay Dawo Lagu Daweyn Karo Macaanka

0
419

Dhakhaatiir ka socotay wadamada Ruushka iyo Cuba ayaa bilaabay inay soo saaraan dawo lagu daweyn karo xanuunka macaanka ,gaar ahaana nooca loo yaqaano Heiberbroc-b.
shirkaddahan oo lagu kala magcaabo Varmako iyo Hyper Biotec ayaa sheegay inay samaynayaan dawadaasi oo hadda samaynteeda laga bilaabay Havana Center for Genetic Engineering and Biotechnology ,taas oo ah meelaha dawooyinka lagu sameeyo,waxaanay labadasi khubaro heshiis ku gaadheen magaalada Havana .
khubaradan ayaa sheegay in dawadani tahay mid laysku mudaayo,taas oo daweynaysa meelaha nabarada ah ee xanuunkaasi sameeyo iyo kuwa soo gaadha qofka xanuunkaasi qaba labadaba,iyada oo ay jirtay dawo taas lamida oo ay isticmaali jireen dadka reer Cuba iyo kuwa Latin America wadamada ku yaalaaba,waxaana dawadaasi lasoo saaray sannadkii 2007 kii.
Vitaly Smirnov oo ah madaxa ama agaasimaaha Varco ayaa sheegay in dawadan ay samaynteeda iska lahaayeen hubarada Cuba,kuwaas oo ka sameeyey dheecaano (Enzymes) kala duwan oo laysu geegeeyey,kuwaas oo lagu mudaayo qofka,waxa kale oo ay ka kooban tahay dawadani Albitid,Amino Acids,Protein,kuwaas oo aan qofka waxba yeelayn.
dawadan ayay sheegeen inay daruuri u tahay daweynta nabarada ku samaysma qofka markay ku dhacaan ,kuwaas oo muddo bil ah ku daweynaaya nabarkaasi,waxaanay rajaynayaan inay dawadani si toosa caalamka ugu wada baahdo sannadka 2018-ka.
dawadan ayaa tijaabadeeda laga bilaabayaa cisbitaalada Moscow,Kaluga ,Nizhny iyo Novgorod,taas oo wixii intaas ka dambeeyana si tartiib tartiiba loo soo dayn doono.
 

Leave a Reply