Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Si Adag U Wareeray Wasiirradii Iscasilay Iyo Siyaasiyiin Mucaarid Ah

0
446

Hargeysa (Dawan)- Mareeyaha madbacada qaranka Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) ayaa naqdiyay wasiirradii iska casilay xukuumadda Somaliland oo uu ku eedeeyay in ay wadeen inqilaab fashilmay.
Mareeyaha madbacadda  oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in haykalka dawladnimo ee Somaliland aanay waxba u dhimi doonin wasiirradii is casilay iyo nin shaqadiisa ka tagatoona.
“Is casiladii Wasiirradu may ahayn mid sinji iyo sawrac  siyaasadeed  leh,  siyaasadda way ka madhnayd waxaana uu ahaa inqilaab fashilmay oo markay arkeen in inqilaabkii ka fashilmay waxay noqdeen inay yaacaan, wax ay ahaayeen niman bil  saddex ku gudaya, waxa ku dhacday Cabdoo Khalad xisaab oo xisaabtii ay isku dhufteen waxa ay ahayd in dalka ay inqilaabaan,”Ayuu ku dooday Maareeyaha  Madbacadda qaranku. Maareeyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Somaliland maalintii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhintay waxa lagu fikirayay in dalku aanu jirayn. Markii dalka la soo galay ee C/raxmaan Axmed Cali loo  dhiibay waxa la is lahaa maalin ay ka adag tahay in aanay jirin. Waynu ka soo baxnay qaranka Somaliland maaha wax qof u dumaya, rag ka waaweyn oo ka miisaan culus oo ka siyaasisan ayaa Ilaahay qaaday  oo dhintay, wax allaale wax ay ku samayn karaana ma jirto.”
“Somaliland maaha meel la odhanayo hebel ayay u dumaysaa, intaa meesha ka tagtayna waa laga raysanayaa, xisbiga Kulmiye iyo xukuumadduba waa ka bogsanayaan, wax u dhutinayaana ma jiro ee waxa ay ahayd damac ay ku doonayeen in meesha ay ku qabsadaan, tiina markii ay suuro-gali wayday way iska tageen.” Ayuu yidhi Mareeyaha madbacada qaranka Cabdilaahi  Carey.
Maareeyaha madbacadda qaranku, waxa kale oo digniin u diray axsaabta mucaridka ah oo caadaystay in ay dhaliilo aanay wax ba ka jirin u soo jeediyaan xukuumadda waxaaa uu yidhi  “Waxa  jira rag aanu ilmaadeer nahay oo aanu tol nahay oo ka tirsan axsaabta mucaarIdka ah oo muddo badan  wax ka sheegayay xukuumadda dhaleecayn  iyo dhaliilo aanay waxba ka jirin  oo beena,  mudadaa badan laba qoddob ayaan uga aamusnaa oo waxa aan islahaa iska daa inta la baranayo waa rag siyaasadda ku cusube.”
“Ragaasi weli may baran siyaasadii, imika laga bilaabo waxaan nimankaa uga digayaa ee been sheegista caadaystay intii loo dulqaadanayay waa loo dul qaatay, hadda wixii ka dambeeya waxa ay  noqonaysaa inay helaan jawaab waafiya oo aanay ku farxin oo ay kaga caagaan hadalka.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Carey.
Mareeyuhu waxa kale oo uu madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyay mowqifkii uu ka qaatay inuu dhex u yahay murashixiinta xisbiga Kulmiye ku loolamaya waxaanu  yidhi  “Waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo oo aan ku hambalyaynayo mawqifkii cadaa ee aan muranku ku jirin ee uu ku cadeeyay in xisbiga Kulmiye uu  dhex u yahay, tallabaadaa aan ku hambalyaynayaa waxa weeye ragii is casilay sida uu uga aqbalay iyo sida dagdaga ahayd ee uu kaalintoodii u buuxiyay ee uu u geeyay Wasiir walba halkii uu ku habboonaa shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee dhawaan la qaban doonana waxa aan u rejaynayaa in si fiican u qabsoomi doono.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply