“Xisbigu Waa Xisbi Dimuqraadiya Dhexdiisana Waa lagu Tartamayaa, Waana Xisbi Ummaddeennu u Soo Jeedo” Madaxweyne Siilaanyo

0
489

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ka qaatay kaadhkiisii xubinimadda Golaha dhexe ee xisbigaasi.
Madaxweynuhu waxa  uu mar kale beeniyay inuu taageeray murrashax gaar ah, waxaanu ku dooday in xisbiga KULMIYE yahay mid dumuqraadi ah oo lagu tartami doono dhexdiisa.
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlay madashaas waxa uu yidhi “Madaxweyne kursigaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuus baa Geella lagu xergeeyaa,  adiga xusuus wanaagsan bay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashaada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer  aad  wada fadhideena  xusuus gaar ah bay  u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsan tahay  maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawirayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga.”
“Aad iyo aad waxaad ugu mahadsan tahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu  iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne,”Ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
 
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi  “Maanta waxaa farxad weyn innoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga.”
“Hal kalmad baan  ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno Wasiirro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxaan ka caddaynayaa madaxweynuhu  faq iyo fagaaraba  aanu aniga  wax eexasho ah  iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay  oo ii gaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.”
“Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, haddii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysaa  howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oo aan qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed Kaahin baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaar baanu u nahay  inaanu kala fadhiisano,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE.
 
 
Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlay kulankaasi waxa uu yidhi “Farxad weyn bay  ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawladda weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, Wasiirradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu haddii aanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawladda waxaanu nahay dhex-dhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe haddii ALLE yidhaahdo, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysta noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin.”
 
 
Intaasi ka dib Madaxweynaha  Somaliland waxa uu iska diiwana geliyey xarunta Xisbiga isaga oo laga qaaday Sawir Kura oo loogu samayn doono Kaadhka Aqoonsiga Xubinimo oo ah kadhka koowaad ee liiska Xubninimadu dhigayo, iyadoo halkaasi madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey, kuna sugnaayeen barxada hore ee xisbiga dadweyne aad u tiro badan oo luxaayey calanka Xisbiga Kulmiye kuna dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin waa geesigii oon godob lahayn iyo Ereyo kale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply