Colaadda Suuriya oo gashay weji hor leh

0
549

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa ka digay in qorshaha uu Mareykanka ciidama gaar ah ugu dirayo waqooyiga Suuriya ay kordhin karto khatarta ah in gobolka uu ka dilaaco dagaal aan toos aheyn.

Mr Lavrov, ayaa sheegay in tani ay ka dhigtay baahida loo qabo wada-shaqaynta ka dhaxaysa ciidammada Mareykanka iyo kuwa Ruush mid aad loogu baahan yahay.
Wadahadallada ka soconayay magaalada Vienna ee ku saabsanaa sidii lagu joojin lahaa colaadda ka aloosan waddanka Suuriya ayaa ku soo gabagaboobay heshiis ah in laga shaqeeyo xabad joojin.
Hasayeeshee ka qaybgalayaashu waxay ku heshiiyeen in aanay ku heshiin mustaqbalka Madaxweyne Assad.
Sergie Lavrov, ayaa sheegay in dadka Suuriya ay u taal in ay iyagu go’aan ka gaaraan in madaxwayne bashaar Asad uu xilka sii hayo iyo in kale.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa isna waxa uu sheegay in madaxwayne Asad uusan wax door ah ka qaadan karin mustaqbalka Suuriya.

Leave a Reply