Romania dad ku dhintay dab ka kacay meel lagu caweeyo

0
670

Ugu yaraan  todoba  iyo labaatan  qof ayaa ku dhintay dab qabsaday goob lagu caweeyo oo ku taal caasimadda dalka Romania ee Bucharest, waxaana ku dhaawacmay 150 qof oo kale.

Boqolaal qof ayaa ruwaayad halkaa ku daawanayay markii uu dabku qarxay, taasoo keentay in dadku ay u kala ordaan albaabada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxdii muusiga tumaysay ay goobta dhexdeeda ku rideen buulalaydh qarax waynina uu dhacay markaas ka dibna dadku ay u yaaceen dhanka albaabka laga baxo oo ay is cidhiidhyeen
Wararka qaar waxay sheegayaan in dadka badankoodu ay u dhinteen qiiqii baxayay oo ay ku nefqabatoobeen.
Goobtu ayaa waxaa ka jiray qas xilli dadka ay isugu soo baxeen banaanka kalaabka iyagoo raadinaya dadka ay jecel yihiin.

Leave a Reply