Idaacada Ugu Taawarka Dheer Oo Laga Dhisay Japan

0
433

Idaacadda ugu taawarka dheer ayaa noqotay idaacad dhowaan laga furay wadanka Japan, taas oo dhismeheeda la dhameeyey toddobaadkan dhexdiisii, iyada oo dhismaheedu socday muddo aad u dheer oo loo dhisaayey gurigaasi.
idaacadan ayaa ahayd mid ku dhex taalay xaafado ku yaaley magaalada Tokyo oo ay ka bixi jirtay, waxaanay ahayd idaacad dadku aad ugu xidhnaayeen, waxaana laga dhegaysan jiray ama laga dhegaystaa inta badan wadanka Japan oo ay gaadho.
Shirkad laga lee yahay dalkaasi Japan ayaa dhowaan iibsatay idaacadaasi lana wareegtay, kadib markii mulkiilihii idaacadaasi uu bixin kari waayey ama awoodi waayey inuu bixiyo lacagta ku baxaysa shaqaalaha idaacadaasi ka shaqaynaaya ama ka hawl gelaaya.
shirkaddaasi ayaa hirgelisay guri aad u weyn aadna u dheer oo idaacadaasi loo dhisay dhowaan, taas oo dhowaan uu xadhiga laga jaray, waxaana loo sameeyey qayb aad u dheer oo loogu talo galay inay noqoto taawarka idaacadaasi ku shaqayn doonto.
taawarka idaacadani ku shaqayn doonto ayaa noqday mid indhaha caalamka iyo saxaafada dalkaasi Japan aad u soo jiitay waqtigii lagu jiray furitaanka idaacadaasi,waxaanu noqday taawarka ugu dheer caalamka .
guriga iyo taawarka idaacadan ayaa ka samaysan muraayado ama quraarad ,kaas oo marka lagu dhex jiro laga arki karo magaalada qaybeheeda kala duwan,waxaanu sidoo kale ka dhex muuqdaa magaalada Tokyo oo markaad dhex joogto aad markiiba isha ku dhufanayso.

Leave a Reply