Markii Dayuuradii Ka Tagtay Ayay Nolosha Nacday!

0
399

Gabadh Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray Jacqueline Stan oo ahayd madax mac-hadka nabadda ee Ciraaq ayaa nafta iska jartay ka dib markii dayuuradii ay  ka raaci lahayd  Madaarka Istanbuul ee dalka Turkiga ay ka tagtay sida ay baahisay warbaahinta Turkiga.
Gabadhan oo da’deedu ahayd 50 jir ayaa horena u ahayd weriya ka tirsana idaacadda BBC. Jacqueline Stan ayaa soo gaadhay Istanbul 9:58 subaxnimo todobaadkii hore,  iyadoo halkaasi ku ahayd Transit oo loogu talo galay inay ka duusho 12:15. Gabadhan ayaa dayuuradii ay raaci lahayd ay ka duushay madaarka iyadoo dib uga dhacday.
Shaqaalaha xafiiska dayuurada ayaa u sheegay in loo baahan yahay inay goosato Tigidh kale madaama ay ka habsaantay duulimaadkii loogu talo dalay, isla maarkaana aan wax lacag ah looga celinayn tigidhkeedii hore. Jacqueline Stan ayaa u sheegtay shaqaalaha in aanay awood u lahayn inay iska bixiso tigidh labaad sidaas awgeedna ay u naxariistaan oo ka aqbalaan codsigeeda, laakiin shaqaalaha iyo maamulka shirkadu kama ogolaan arinkaasi. Markii ay quusaty wax yar ka dib ayay gashay xamaamka madaarka halkaasi oo ay isku deldeshay. Waxaana maydkeeda arkay dadkii safarkaa ahaa ee rabay inay isticmaalaan xamaamka. Shaqaalaha iyo maamulka ayaa lagu canaantay arxan darada ay u muujiyeen gabadhan rakaabka u ahayd.

Leave a Reply