Qabriga Mid Kamida Dagaalyahanadii Giriiga Oo Laga Helay Dahab Badan

0
372

Khubaro dhanka taariikhaha ah ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen qabriga mid kamida dagaalyahanadii ugu caan sanaa dalkaasi Giriiga ayaa ka helay dahab aad u tiro badan oo dhex yaaley qabrigaasi.
dahabkan ayay sheegeen inuu buux dhaafiyey qabriga ninkaasi,kaas oo taariikh ahaan dib ugu noqonaaya 3500 sanno ka hor,waxaanay sheegeen in dahabka waqtigaasi la isticmaali jiray uu ka cimri dheeraa kana tayo badnaa ka hadda la isticmaalo.
qabriga ayaa loogu tegey lafihii ninkaasi iyo sidoo kalena hareeraha oo ay ka yaalaan dahab aad u tiro badan oo lagu sheegay inay ahaayeen 1,400 oo jab,kuwaas oo taariikh ahaan jiray ilaa 3,500 sanno ka hor.
khubaradan ayaa sidoo kalena helay madaxa ninkaasi oo ay ag yaalaan madax libaax iyo sidoo kalena gaashaan iyo seeftii uu ku dagaalami jiray,kuwaas oo daxalaystay qaarkoodna ciidi gashay.
laabta ninkaas ayaa sidoo kale laga helay dahab,iyada oo qoortiisana laga saaray sil silad iyaduna dahab ah,iyada oo sidoo kalena laga helay agagaarkiisa dhagxaan tiro badan oo dahab ah.
sil silada ninkaas qoortiisa laga helay ayaa dherer keedu gaadhaayey ilaa 75 cm,sidoo kalena iyada oo dhagxaanta laga ag helay gaadhaaayeen culays ahaan ilaa 1000 dhagax oo yar yar oo dahab ah.
khubaradan ayaa sheegay inay baadhitaano ku samaynayaan lafaha ninkan oo ay baadhayaan sababta dhimashadiisa iyo halka uu bulshada kaga jiray.

Leave a Reply