Qofka Naxdintu Waxay Ku Keeni Kartaa Geeri

0
694

Khubaro dhinaca cilmi nafsiga ah ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku sheegay in qofka oo naxa uu ku dhiman karo naxdintaasi ama ay naxdintaasi sababi karto inuu geeryoodo.
khubaradan ayaa sheegay in jidhka qofku dheecaano soo saayo marka uu naxo,gaar ahaana uu soo daayo dhecaanada loo yaqaano Adrenaline oo loo soo daayo si loogu dejiiyo kacsanaanta jidhka qofka,kaas oo keeni kara marka dambe inuu jidhku is xakamayn kari waayo.
sidoo kale wadnaha ayaa noqda mid xoog u shaqeeya ,iyada oo uu dhiiga jidhka ku wareegayaana noqdo mid si xawli ah u mara xididada jidhka,iyada oo jidhku soo deynaayo dhiig aad uga badan intii hore.
khubaradan ayaa sheegay in dheecaankan Adrenaline uu keeno dhaawac soo gaadha wadnaha,kaas oo waxyeelooyinka jidhka soo gaadhaaya ka noqda midka ugu weyn ee dhimashada keeni kara ama qaybta weyn ka qaadan kara.
Adrenaline oo ah dheecaanka jidhku soo deynaayo ayaa ah mid bilawgeedu keenaayo in jidhka ay ku furmaan mawjado Calcium ah ,taas oo si toos ah ugu dhacaysa wadnaha,sidoo kalena maraysa unugyada wadnaha dhexdooda,waxaanay ugu dambaynta sababaysaa in muruqyada wadnuhu isku dhegaan.
xaaladan ayaa keeni karta inuu qofku wadne xanuun yeesho,iyada oo sidoo kalena keeni karta inuu dhimashoba gaadho,madaama oo dheecaanadaasi keenayaan inuu wadnuhu xoog u shaqeeyo,sidoo kalena xadi macdano ah oo aan loogu talo gelini maraan.
khubaradan ayaa sheegay in xaaladan ay khatar u yihin cid waliba,sida dadka aan lahayn wadne xanuunka oo kale,sidoo kale loo kala khatar badan yahay,gaar ahaana dadka wadne xanuunka lihi yihiin kuwo khatar badan ugu jira inay naxdintaasi u geeryoodaan.
khubaradan ayaa sheegay in aanay naxdintu keeni karin oo kaliya in ficiladani dhacaan ee sidoo kalena waxyaalo badan oo kale keeni karaan in jidhku soo daayo dheecaankan,gaar ahaana sida marka qarax dhaco oo kale iyo cadhada tirada badan labaduba ay yihiin kuwo keeni kara in jidhku soo daayo dheecaankan.


 

Leave a Reply