Toddaabatan Jir Xaaskiisu Derbi Jiif Ka Dhigtay

0
648

Shurafat Khan waa 69 jir derbi jiif  ah kaasi oo ku nool gobolka Taxes ee Maraykanka. Odaygan ayaa muddo 6 bilood ah noloshaasi ku jiray ka dib markii ay islaantiisu ka eriday guriga quruxda badan ee ay ku noolaayeen. Dadka jaarka ayaa sheegay inay aad ugu naxayaan Odayga Khan oo ah nin da’ isla markaana xaalad caafimad xumo ku jira. Waxayna sheegeen inaanu muddo dheer maydhan isla markaana aanu kabo xidhnayna, oo uu huwan yahay dhar baali ah. Odayga ayay sheegeen inuu guriga gidaarkiisa debeda ah seexdo iyadoo cimiladuna ay tahay mid aad u qabow.
Khan ayay dadka jaarka ahi u sheegeen inuu iska dego Huteel kuwaasi oo xataa qaarkood balan qaaday in laga bixin doono kharashka huteelka, laakiin taasi isaga ayaa diiday oo yidhi “ maya ma degayo huteel, waxaan rajaynayaa in gabadhaydu ay go’aankeeda bedesho oo ay ii ogolaato inaan gudaha gurigayaga galo oo aan dego”.
Jaarka ayaa isku deyay inay u keenaan dhar, kabo  iyo raashin odayga, laakiin arintaasina waxa is hortaagtay islaantiisa oo boodh ay ku qortay lama caawin karo dhigtay goobta gidaarka ah ee uu degan yahay oo guriga ku dhegan.
Khan ayaa loo soo jeediyay inuu iska furo xaaskiisa, laakiin waxa uu sheegay in aanay taasi iyadu diyaar u ahayn iyadoo ka baqanaysa in guriga badhkiis ay weydo oo anigu aan qaato.
Gabadha Dabouap Skokings oo degan guriga ay jaarka yihiin ayaa tidhi :”  haddii uu sidaasi ku sii jiro isla goobtaasi ayuu ku dhiman doona qabowga dhacaya dartiis”.

Leave a Reply